Dagaal U Dhexeeya Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland Oo Xalay Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq.

Dagaal u dhaxeeya ciidanka  Soomaaliland iyo kuwa Puntland ayaa xalay ka dhacay jiida horre ee deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool,halkaas oo  ay isku hor-fadhiyaan ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo aanay jirin ilaa hadda warbixin ka soo baxday maamullada, goobjoogayaal ayaa  sheegay  in dagaalka uu hadda istaagay wallow xaaladdu ay wali tahay mid adag,sida uu yidhi goobjoogaha.

Ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa dhowr goor ku dagaallamey deegaanka oo horraantii sanadkan ay ciidammo ka tirsan Soomaaliland kala wareegeen kuwa Puntland.
Waxa uu ku soo beegmay iska horimaadka xalay ka dhacay deegaanka, xilli uu booqasho ku tagey Axadda shalay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya magaalada Hargeysa, waxa uu sidoo kale shalay booqday Garoowe, isagoo hoggaamiyayaasha labada dhinac kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaadda deegaanka Tukaraq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker