Wasiirkii hore ee Qorsheynta Somaliland ayaa sheegay In Erayo dhawacaya Qadiyadda Somaliland ay ku jiraan Mashruuca Baanka Adduunka ee shalay laga daahfuray Somaliland.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Somaliland Cawaale Shirwac, ayaa sheegay In Erayo dhawacaya Qadiyadda Somaliland ay ku jiraan Mashruuca Baanka Adduunka ee shalay laga daahfuray Somaliland.
Cawaale Shirwac, waxa uu xusay In haddii Somaliland kala gorgortami lahayd Baanka Adduunka wax ka beddeli lahaayeen, waxaanu yidhi
Mashruucan Worldbank ku inama tixgelin markii hore, balantu waxay ahayd in uu phase ka labaad eray bixinta wax ka bedelo. Xaga horumarka Somalia iyo SOMALILAND laba dal oo midna xaalad emergency & humanitarian ku jiro weeyaan ( Somalia).
Somaliland waa wadan DEVELOPMENT stage galay, mashruucani ujeedadiisu ma xuma balse waxa ii muuqda in aan DAWLADA SOMALILAND aad looga talo gelin design kiisa iyo munaaqishooyinkiisa. Phase 2aad oo mashruuc sidan u weyni wuxuu bilaabmi karaa keliya hadii hay’adaha iyo dawlada fulinaysaa ay ku qanacsan yihiin siduu u fulay qaybtii kowaad ee mashruucani iyo in faaiidadu gaadhay dadka loogu talo galay oo shacab ka ahaa.
Hadii la sameeyay REVIEW, oo lagu qancay faaiidada mashruucan qaybtiisii hore, warbixintaasi waa PUBLIC INTEREST ee bulshada ha lala wadaago.
In kasta oo aanan jeclayn in aan wax walba jiq la iskaga dhigo, hadana waxan waydiin lahaa Saaxiibaday bal in ay u fiirsadaan erayada ku qoran mashruucan oo Qadiyadeena dhaawici kara, waxaan qabaa haddii si adag wada hadal looga geli lahaa marka hore in woxoogaa xaga erayada wiiqaya Qadiyadeena, uu Worldbank ku wax ka bedeli lahaa.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker