Madaxweyne Farmaajo o Maanta U Ambabaxay Dalka Sacuudiga

Muqdisho(OWN)- Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka u ambabaxay dalka Sacuudiga, halkaasi oo uu kaga qaybgalaayo Shirka madaxda Jaamacadda Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka duulay Garoonka Aadan Cadde saaka, waxayna tagayaan Sacuudiga oo shirkii 29-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta uu ka furmaayo.

Madaxweynaha waxaa ka sii horeeyay wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad, waxayna Sacuudiga u tageen arrimaha ku aadan ka qayb galka Shirkan.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Shirka oo sanadkaan arrimaha looga hadlaayo ay ka mid yihiin arrimah Qudus iyo xaaladaha dalka Yemen ka taagan.

Inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda dalkaasi iyo qaar ka mid ah madaxda dowladaha carbeed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiri doono kulan gaar ah oo Madaxweynaha ay wada qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha labada dal.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker