“Maayar Moogow Bulsho Cagaaran Ayaa Ka Horaysa Magaalo Cagaaran , Maayarkii London-na Ma Tihide , Maayarkii Hargeysa ayaad Tahay Ee Xasuusnoow .

” Maayar Moogow Bulsho Cagaaran Ayaa Ka Horaysa Magaalo Cagaaran , Maayarkii London-na Ma Tihide , Maayarkii Hargeysa ayaad Tahay Ee Xasuusnoow .

Inaga oo og xaalada nololeed ee bulshadda magaaladda hargeysa ku nool inay tahay mid aad u liidata , danyartii magaaladuna u baahan tahay gargaar degdega ,

Ayaa arintaa bedelkeeda maayar mooge bilaabay barakicinta muwaadiniin reer hargeysa ah oo maalin dagaalka ka raadsan jiray galbeedka dhakhtarka weyn ee magaalada hargeysa ,

Waxaanan leeyahay masuul in laba geed oo manfac lahayn aad qoys dhan u masaariif tirtaa muhiim maaha , dadka iyo dhirtana , dadkaa weyn oo ay tahay in noloshooda lala tacaalo ,

Marka bulsho cagaaran oo lugo adag ku taagan la helo ayaa magaalo cagaaran raadinteedu qurux badan tahay ,

Guntii iyo gunaanadkii waxaan ku leeyahay dhammaanba maayaradii kala duwanaa ee magaalada soo maray may garan waayin ku tumashadan danyarta aad ku bilowday ee waxa ay fahamsanaayeen qiimaha bulshadda iyo nolosha dhabta ah ee bulshadda ku dhaqan caasimadda ,

Markaa maayar adigu ma tihid maayarkii London ee waxaad maayarkii hargeysa oo dadka inta wax haysta iyo danyarta ahi danyartu badan tahay mudan tahayna in hab nololeedkooda loo tix geliyo hadii aan ugu yaraan waxba aaanad tarahayn halkooda uun hakaga nabad helaan , wabilahi tawfiiq ” .

W/q :- Shaafici Maxamuud Cige
Madaxa abaabulka iyo wacyi-gellinta Degmadda M/haybe Ee Xisbiga Kulmiye .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker