Iskuul Kenya ku yaalla oo lagu ganaaxay in uu wadaagay sawirada ardayda

Waaxda maamusha dhijitaalka ee Kenya ayaa iskuul ku ganaaxay lacag dhan $31,000 (£25,000) ka dib markii ay bartooda bulshada soo galiyeen sawirada ardayda iyaga oo aan ogolaansho ka haysan waalidkooda.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo uu sameeyo Xafiiska Guddoomiyaha Ilaalinta Xogta ee dhawaan la sameeyay.

Goob lagu caweeyo iyo shirkad deynta bixisa ayaa sidoo kale lagu ganaaxay $12,500 iyo $20,000.

Sida laga soo xigtay maamulaha, goobta lagu caweeyo ayaa waxay bartooda soo galiyeen sawirka macmiilka iyaga oo aan fasax ka haysan.

Qaar ka mid ah xarumahan ayaa hadda daabacay ogeysiisyo ah in qof kasta oo soo gala xaruntooda uu oggolaado in la sawiro,muqaal laga duubo iyada oo aan wax magdhow ah la siin iyo in ciddii diidan sharcigooda aysan soo gelin goobahooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker