Maraykanka oo ka hadlay duqeymaha Turkiga uu ku beegsanayo maleeshiyaadka Kurdiyiinta

Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay in duqeymaha Turkiga uu ku beegsanayo maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku sugan waqooyiga Suuriya, ay khatar gelinayaan baqdabka ciidamada dalkeeda ee la dagaallamaya ururka Daacish.

Pentagon-ka ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa shalay sheegay in weerarrada ciidamadooda ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen fariisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya ay yihiin kuwa bilow ah.

Mr Erdogan ayaa sheegay in sida ay Turkiga uga ka go’an tahay sugidda amaanka xuduudka ay la wadaagtay madaxda Suuriya.

Horey wasiirka gaashaandhigga Turkiga ayaa u sheegay in ciidanku ay duqeeyeen ku dhawaad ​​shan boqol oo bartilmaameed oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya iyo Ciraaq tan iyo Axaddii.

Xoojinta ficillada militari ee Turkiga ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaa imaanaya kadib weerar ka dhacay Istanbul, kaasoo dowladdu ku eedeysay PKK oo ah dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka Kurdiyiinta ee Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker