Masar Oo Walaac Ka Qabta Imaaraadka Oo Saldhig Ciidan Ku Leh Somaliland

Masar oo ka mid ah Dawladaha Afrika ugu awoodda badan xagga Ciidammada iyo dublamaasiyadda, ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogle oo siyaasadeed ka bilowday Dalalka Bariga Afrika.

Masar oo khilaaf xoog lihi ka dhex qarxay Dawladda Itoobiya, ka dib markii Itoobiya ay Webiga Niil ka dul-dhistay Biyo-xidheen ku kacay Adduun lacageed oo ka badan 4 Bilyan oo dollar, si ay Laydh uga dhalisay, ayaa labadii sanadood ee u dambeeyay wadday dedaallo ay ku doonayso in Itoobiya ku joojiso biyo-xidheenkaas, hase-ahaatee Itoobiya ayaa diiday inay ka noqoto go’aanka ay ku dhistay Biyo-xidheenka, kaasi oo ay dhamaystirtay.

laakiin, Masar oo Dadkeedu 90% biyaha ka helaan Webiga Niil, ayaa arrintaa ka cadhootay isla-markaana meel Adag iska taagtay Biyo-xidheenkaasi oo laga cabsi qabo inuu yareeyo Qulqulka Biyaha Webiga ee Masar gaadha.

Arrintaasi ayaa Dawladda Masar ku khasabtay inay geed-dheer iyo mid gaabanba u fuusho sidii ay uga hor-tagi lahayd in biyo-xidheenka Itoobiya uu caqabad ku noqdo biyaha Webiga ee gaadha Masar.

Arbacadii waxay Dawladda Masar heshiis Milletari la saxeexatay Dawladda Kenya, heshiiskaasi oo ah in labada dal iska kaashadaan dhinacyada Milletariga, inkasta oo heshiiskaasi aan si rasmiya loo shaacin.

Khamiistii ku xigtayna waxa Dalka Jabuuti Safar ku tagay Madaxweynaha Masar Abdil Asiiz Siizi, waxaanu halkaa kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xogo Warbaahintu tebisay ayaa sheegay in Madaxweynaha Masar uu kala hadlayo dhiggiisa Jabuuti sidii uu uga shaqayn lahaa in Itoobiya wax ka beddesho Qorshaheeda Biyo-xidheenka ay ka dul-dhistay Webiga Niil.

Hase-yeeshee, Warbaahinta Magaceedu yahay ‘Mada masr’ oo War-bixin dheer ka qortay socdaalka Madaxweynaha Masar ee bariga Afrika, ayaa sheegtay in Masar aanay ka walaacsanayn Arrinta Webiga Niil oo keliya, balse uu walaaca ugu badan ku hayo doorka Imaaraadka Carabtu ku leeyahay Dalalka Bariga Afrika.

Warbaahinta Mada Masr, ayaa War-bixinteeda ku tidhi “Masar waxay si aad ah uga walaacday doorka Imaaraatka, oo noqday quwad weyn oo awood leh isla-markaana saldhigyo Ciidan ku leh Berbera oo Somaliland; Bosaaso oo, Soomaaliya iyo dhowr dekedood oo ku yaal Yemen, halkaas oo ay ka barbar dagaallamayeen xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo tan iyo sanadkii 2015.”

War-bixinta Mada Masr waxay intaa ku dartay in Masar ka walaacsan tahay in Imaaraadku hormood ka yahay tartanka loogu jiro badda Cas, sidoo kalena uu yahay aasaasaha iskaashiga Amniga badda cas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker