Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo gaadhay go’aan ka dhan ah Trump

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadi shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada.

Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano ah oo, ay ku jirto afarti sano ee uu madaxweynaha ahaa.

Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump.

Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo kaliyah.

Wali wax falcelin ah kama soo bixin dhanka Trump.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker