Daawo Falanqaynta Ciyaaraha ,, Iyo Real Madrid oo lagu Canaantay inaay Si Fiican U Sagootiyin Gool haye-heedii Casillas

 

Real Madrid may siinin sagootintii halyeynimo ee uu ka mudnaa Goolhayaheedii hore ee Iker Casillas markii uu ku dhowaaqay inuu gebi ahaanba ka fadhiistay ciyaaraha, sida uu sheegay halyeygii hore ee Michel, laakiin waxa jirta sabab Los Blancos ay cudur-daar ka dhigan karayso.

 

 

 

Markii uu kooxdiisa Real Madrid la qaaday koobkii Champions League ee 2014, ayuu go’aansaday inuu gebi ahaanba iskaga tago kooxda oo muddada uga hadhay xirfaddiisa uu isku tijaabiyo Horyaallo kale, waxaanu tegay waddanka Portugal oo uu ku biiray FC Porto oo ugu dambayntii uu wadne-xanuun kusoo booday isaga oo u ciyaaraya.

 

 

Ruug-caddaagan oo cimrigiisa ciyaareed kusoo qaatay Real Madrid ka hor intii aanu Porto tegin, waxa uu ka fadhiistay ciyaaraha xili ciyaareedkan socda si uu ugu tartamo jagada Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Spain.

 

 

Sidaas oo ay tahay, Michel waxa uu rajaynayay in Real Madrid ay u samayso kulan sagootin ah oo lagu maamuusayo, waxaanu yidhi: “Waxaan rajaynayaa in Real Madrid ay sagootin kuu samayn doonto.”

 

 

Laakiin Iker Casillas ayaa uga jawaabay hadalkaas, waxaanu tilmaamay in ay adag tahay inuu mar kale kusoo laabto garoonka oo uu ciyaaro, waxaanu yidhi: “Inaan mar dambe ciyaaro way adkaan doontaa. Bil ka hor, waxa la igu sameeyey baadhitaan cadaadiska dhiigga ah (Hore ayaa wadne xanuun layga daaweeyey), waanan fiicanahay

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker