Jaalle Muusow garasho iyo go’aan ba labadii xaajiyadood ee Marwo Amina Weris iyo Macaali Zamzam Cabdi Aden ayaa ku dhaamay ..!

Waad ogtihiin dhamaan shirka Kulmiye ee Xaraama Cunne ee ka dhici doona Boorama 23 February 2019 Insha’a Allah . Markaa waxa bilaabay inuu nuxnuuxsi siyasadeed sameeyo Macaali wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo maqlay sheekada suuqa ee odhaneysa in Xisbigii Kulmiye Gudoomiye maxlal ah loo cumaamadi doono Kasoo ah Gudoomiye Maxamed Cabdi Dheere kadibna Markuu Maxlalku dhamaado   la caleema saari doono Amiir Cabdicasiis Maxamed Samaale aka Jaalle Ayaatul Ifka’a  oo ah ninka mus dambeedka ka haga isaga iyo Jaalle  Ina Aw Siciid ALSUCUUDKA HARGEYSA beesha canshuurtii DANYARTA boqortoyada Hargeysa ka sameystay ……

Yeelkeede si loo gooli baadho hanka ninkaa hashii adeerkii baadi goobaya ee  Macaali Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa maanta la kiciyey qubaar la yidhaah $ 80.000.000 sideetan Million oo Dollar  si loo yidhaah ma ninka musuqmaasuqaasi ku abtirsado ayaa gudoomiyaha Kulmiye loo dhiibi karaa………….

Baryahan wararka kasoo baxa gurigii Morgan ku jiri jiray iminkana uu Duqa Muuse Biixi ihi ku jiro waxay sheegayeen in Xildhibaan Ibraahim Mahdi Bubaa , Macaali Wasiir Duur iyo dhawr nin oo kale oon magacyadooda kor loogu dhawaaqini inay gurigaa Duqa Muuse Biixi habeenkii u shaah tagaan ………. Markaa Xildhibaan Ibraahim Mahdi Bubaa isagoo qiiro bes ah oo leh $ 80. 000.000 sideetan Million oo deyn ah baa ku go’an  oo ay ka shaqayn kari la’adahay Dawlada Qoyska ah ee Jaalle Muuse Biixi ayuu kasoo muuqday shaashadaha TV-yada Caalamka .

Muwaadin ogow maha uun in Macaali Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi uun loo jeedo waxa kaloo la doonayaa in CANSHUURTA LAGUGU DALACO SI LOO YIDHAAH DAYN BAA LA BIXINAYAA ………… WAARYEE RAGOW  CANSHUURTAA WAYDIIYA DEE HABAR AWAL IDINKAA CUNAY DEE ……….. ANAKU MAG LAMA BIXINO HABAR AWAL WAAR BAL KALAYOO AMUURTAN EEGA !

Muwaadin aynu dul istaagno sidee Dayn kan oo kale dawlada Somaliland ku geli kartaa inta aynu hawsha gelin mid cindiga ku hay Somaliland maha wadan la ictiraafsan yahay markaa hay’ad maalgashi , Dawladaha caalamka , banka aduunka ( Somaliya ayuu waxdayminaya not Somaliland )  iyo International Monetary Fund ( Somaliya ayuu waxdayminaya maya Somaliland) iyo qaar kaloo badan  wax dayn ah siin mayaan Somaliland hadii kale sheekadu waxay noqoneysaa ninkii Ogadeen ee af ku dablaha ka dhex raadinayey Hargeysa ..

Hadii aan caalamku wax ku daymineyn yaa wax daymiya Dawlada Somaliland  cida waxdaymineysaa waa tujaarta ….

 

Iminka aynu ku noqono sida Daynka loo galo wasaarad kasta budget loo qoondeeyey bay leedahay , hadii ay miisaniydu ay ku filaan waydo  wasaarada haduu doono  wasiirkuba guri ha ka dhisto ee waxay wasardaasi ku noqoneysaa WASAARADA MAALIYADA ooy Extra waydiisaneysaa  wasaarda Maaliyadu hadayna lacag hayn waxay soo sareysaa Vouchers ama foojar taasi loo isticmaalyo sidii dawladaha hormaray u isticmalaan BONDS lakiin Voucher kan Somaliland Riba ma saarna Bonds lakiin riba ayaa saaran …………. Markaa Vouchers wasaarada Maaliyadu Bixineysaa tujaarta ayaa la siinayaa iyadoo marka  wasaarada Maaliyadu Lacagta canshuurta DANYARTA qabato  ay tujaartu forjerka celin doonto lacagtoodiina la siin doono ………….. Waxaanu ognahay oon sir ahayn reer Hargeysa oo dhami wada og yihiin in tujaar khaas oo isku hal beel ah oo beeshaas Jaalle Muuse Biixi ah uun lagu qori jiray Vouchers  cid kale aan dayn dawladu ka qaadan jirin …………….. Tusaale ahaan Voucher shidaal baa lagu siiyey voucher- kaa waxaad ku isticmaali kartaa uun Kaalinta Shidaalka ee Indha Birta waa waxaan u leeyahay magta  ma wada bixino ..

 

Si kastooy noqoto Muwaadin miyaad rumeysaneysaa Tujaar Somaliland ayaa haysa ama ku dhacda ina $ 80.000.000 sideentan million oo Dollar amaahiso Xukuumada Somaliland . it’s a fantasy …

 

Miisanayadu waa $ 270.000.000  laba boqol iyo todobaatan Dollar ayuu yidhi Amiir Cabdicasiis Maxamed Samaale  Macaali Wasiir Samsam Cabdi Aden Baa xanaaqdoo waxay tidhi miisaniyada waa $ 360.000.000  sedex boqol iyo lixdan Dollar Muwaadin sheekadan window dressing baa la yidhaah waa bookkeeping tricks dhalinyarada meesha ka shaqeysa khiyaalkoodii oo waraaq lagu qoray weeye numbers ka halkaa ku qoran waxa ku jira canshuur laga filayo islaan tamaadho iibisa oo tii Allah u iman karto xataa waxa ku jira islaamaha cusub ee la filayo inay soo fadhiistaan waxa ku jira deeq laga filayo deeq bixiyayaasha caalamka waxa ku jira xoolaha iibsami dona oo uu Sucuudigu diidi karo .

Markaa waxasoo dhan laga hurgufo Miisaniyada kama badana Miisaniyada Somaliland $ 180.000.000  ilaa 150.000.000 inta u dhaxeysaa Muwaadin hada nala fakir Misaaniyadii runta ahayd haday tahay inta kor ku xusan sidee loo bixin karaa dayn $ 80.000.000 sideetan Million oo Dollar ah waxa kaliya ee markaa u furan Somaliland Waa Bankruptcy chapter 11 ( Chapter eleven ) ama Chapter 7 ( chapter seven ) iminka dalkii Jaalle Muuse Biixi Cabdi ma Chapter 11 iyo Chapter 7 buu galiyey  waa kacday miyaa Somaliland, Esh Calaa .

Jaalle Muusow garasho iyo go’aan ba labadii xaajiyadood ee Marwo Amina Weris iyo Macaali Zamzam Cabdi Aden ayaa ku dhaamay ………… Goormuu Xildhibaan Ibraahim Mahdi Bubaa noqday afhayeenka Xisbiga Kumiye ?!

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker