Wiilka madaxweynaha Afrikaanka ah dhalay ee goolka u dhaliyay Mareykanka

Timothy Weah oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Liberia George Weah, ayaa gool u dhaliyay xulka Mareykanka ciyaartii furitaanka koobka adduunka ee ku dhamaatay barbaro 1:1.

Madaxweyne Weah ayaa ku sugan dalka Qatar muddo sagaal maalmood ah si uu u daawado wiilkiisa oo haysta dhalashada Mareykanka oo ka qeyb galaya koobka adduunka.

Safarkiisa ayaa dhaliyay muran, ka dib markii uu wasiirka maaliyadda ee dalkaasi sheegay in madaxweynaha uu “xaq u leeyahay” lacag dhan $2,000 oo doolar oo gunno maalinle ah inta uu joogo Qadar.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in lacag intaas le’eg la siiyo Mr Weah maalintii ay ka hor imanayso ballan qaadkiisii ​​ahaa in uu dhimi doono kharashaadka dadweynaha isaga oo u door bidaaya “ajendihiisa u hiilinta dadka saboolka ah”.

Weah, ayaa ahaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo ay FIFA siisay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan sannadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker