Imran Khan Oo Maanta loo Dhaariyey Ra’iisul Wasaaraha Dalka Pakistan

Cayaaryahankii hore ee cayaarta cricket-ka Imran Khan ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan, markii 20 sano kadib uu ku soo biiray masraxadda Siyaasadda.

 

Mr Imran Khan ayaa jimcihii shalay goluhu isku raacay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Pakistan, taasi oo ka dambeysay markii xisbigiisa PTI ay ku guuleysteen inta badan kuraasta baarlamaanka doorashadii bishii July ka dhacay dalka Pakistan, waxaana codad kale oo ka dhinaa uu ka helay xisbiyo Siyaasadeed oo ay wada gaareen heshiis wax qeybsi.

 

Mr khan ayaa xooga saari doono sidii uu wax uga qaban lahaa sare u qaadidda dhaqaalaha dalka Pakistan oo sanadihii dambe hoos u dhac ku yimid.

 

 

Mr Khan oo 65 sano jir ah ayaa ahaa kabtankii hogaaminayay sanadkii 1992 markii Pakistan ay ku guuleysatay cayaaraha adduunka ee cricket-ka, waxaana uu xiligaas kadib ku soo biiray hanaanka siyaasadeed ee dalka Pakistan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker