Maxaa Ka Jira In Xukuumadda JSL Xabsiga Ka Sii Deysay Sheekh Maxamed Ismaaciil?

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay xalay  xabsiga ka sii daysay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo mudo ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah culimada waaweyn ee geyiga Soomaalidu degto aad looga yaqaan, ayaa xabsiga magaalada Hargeysa ku xidhnaa mudo Afar caano-maal ah.

Siidaynta Sheekh Maxamed Ismaaciil, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xubno Qoyskiisa ka mid ah.

Sheekha, ayaa subaxnimadii hore ee Isniinta waxaa xarunta uu ku dabiibo dadka ee Magaaladda Hargeysa waxaa ka kaxaystay ciidamo ka mid ah kuwa debmi-baadhista.

Sheekha oo intii aan la xidhin warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sarkaalka haysta Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sanaag, uu u haysto danbi aanu garanayn islamarkaana uu xoog kaga soo saaray magaalada Ceerigaabo oo uu sheegay in uu u joogay howlo nabadayn ah maalmihi u danbeyay.

Waxaa kale oo uu sheekhu sheegay in madaxa sirdoonaka gobolka Sanaag uu u sheegay in loo haysto socdaal uu ku tagay magaalada Badhan oo uu u tagay in uu daweeyo dad buka sida uu sheegay.

Xadhiga Sheekh Maxamed Ismaaciil, ma jiro wax war ah oo ay Xukuumadda iyo hay’addaha amaanku ka soo saareen, islamarkaana ma cadda sababta loo xidhay, balse Sheekh Maxamed Ismaaciil, ayaa wuxuu sheegay in Magaaladda Ceergaabo ee gobolka Sanaag uu ku maqnaa muddo ku dhow labaatan Maalmood, isagoo sida uu sheegay halkaa u tegey heshiisiinta qoys Oday keliya ka soo jeeda, isagoo xusay in uu Sheekh Maxamed Cali Biixi oo isaguna ka mid ah Culmida waaweyn ee Somaliland kala qaybgalay.

Haseyeeshee, wuxuu sheegay in hawshii heshiisiinta qoyskaa oo gebagebo ku dhow lagu wargeliyay in uu Magaalada Ceergaabo si deg deg ah uga baxo, sidaana ay kus oo baxeen isaga iyo Sheekha kale, balse markii ay Hargeysa yimaadeen ee uu la xidhiidhay hay’addaha amaanka loo sheegay in aan arrintiisa waxba lagala socon.

Waxase uu sheegay Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil in markaa kadib uu maqlay fariin loo keenay oo la leeyahay wuxuu tegey Magaalada Badhan, Sidaa awgeed wuxuu sheegay in uu la yaabay arrintaa, islamarkaana uu halkaa u tegey inuu soo dabiibo dhawr boqol oo qof oo muddo laba maalmood ah ku soo dabiibayay Badhan.

Sheekh Maxamed Ismaaciil, ayaa hore xabsiga loogu taxaabay sanandkii 2005, waxaana la soo daayay toddoba sanandood kaddib markii ay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo xukunka la wareegtay May 17, 2011, kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal argagixiso oo Somaliland ka dhacay xiligii Xukuumaddii Daahir Riyaale, iyadoo markii dambe cafis madaxwayne lagu sii daayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker