Xiisaddii u dhaxaysa Wadamada Itoobiya iyo Masar oo Meeshii ugu Xumayd Gaadhay +Cabsida Jirta
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in ujeedada Masar ay ku dooneyso biyaha Wabiga Nile iney keligeed isticmaasho in ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada seddex geesoodka ee socda.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gaduu Andargachew oo qabtay shir jaraa’id oo ku saabsan wadahadallada seddex geesoosdka ee u dhaxeeya Masar,
Itoobiya iyo Suudaan oo maalintiisi Shanaad socda ayaa sheegay mowqifka Masar ay ku adkeysaneyso ee ah in siday iyadu rabto oo keli ah la yeelo taas oo wadahadalka caqabad ku ah.