Booliiska Puntland Oo Soo bandhigay 2 Nin oo qirtay dilka gabar maydkeeda laga helay Boosaaso

Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen fal isugu jiray kufsi iyo dil loo geystay gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka Magaalada Boosaaso.

Raggaas lasoo qabtay aya qirtay inay dileen gabar lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed oo meydkeed laga helay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, isla markaana si arxan darro ah ku dilay, taas oo meydkeeda laba maalin yaallay Isbitaalka Magaaladaas.

 

Mid kamid ah eedeeysanayaasha oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Fareey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay marka hore in gabdha yar ay kusoo kexeeyeen gaari ay wateen isaga iyo wiil kale oo la jiray, ayna gabdha gacmaha uga xireen cimaamad, kadibna ay kula dhaqaaqeen kufsi ah.

Intaas kadib ayay Maxamed ayaa sheegay inuu go’aansaday in Gabdha nafta la dhaafiyo, isagoona ku ceejiyay Naciimo cimaamadii gacmaha uga xirneyd, uuna markii dambe go’aan ku gaaray in gaari ay wateen uu madaxa ka jiirsiiyo, sidaasina ku geeriyootay, ayna baxsadeen.

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in howlgal ay sameeyeen laamaha amniga Gobolka bari lagu soo qabtay raggii kufsiga iyo dilka u geystay Marxuumad Naciimo Cabdi oo aheyd gabar yar.

Ugu dambeyn Taliye Xuseen Cali ayaa Carabka ku dhuftay in raggaas la horgeyn doono Maxkamadda, si sharciga loo mariyo, wuxuuna si ballaaran ugu mahadceliyay Ciidanka amniga iyo cid kasta oo ka qeyb qaatay sidii loo qaban lahaa raggaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker