Waxaa Hadda Socota Oo Magaalada Baydhabo Ka Bilaabantay Khudbadaha Ay jeedinayaan Musharixiinta Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baydhabo-(OWN)-Amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ay bilaabatay hadal jeedinta Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa ku sugan hoolka ay ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana musharax walbaa uu soo bandhigayaa waxqabadka uu la imaan doono haddii la doorto.

Xubno ka socdo dowladda Soomaaliya iyo wasiiro hore ayaa kusugan goobta kuwaasi oo goobjoog ka ah hadal jeedinta musharixiinta Koofur Galbeed oo hadda lagu koobay shan ruux.

149 xildhibaan ayaa ku sugan goobta hadal jeedinta, waxaana sidaasi si lamid ah maalinta beri ah la dhageysan doonaa Khudbadaha labo musharax oo kamid ah musharixiinta buuxsiyay sharuudaha laga doonayay.

Seddexda Musharax ee maanta khudbadaha jeedinayo ayaa kala ah 1:Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) 2:Ibraahim Macalin Nuur 3 Xuseen Cismaan Xuseen, sida ku qoran jadwalka hadal jeedinta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker