Ururada Siyaasada ee Xiligan Bilawga ah oo Dareen Ka Qaba Aamuska Xukuumadda Arinat …

Ururada Siyaasada ee Xiligan Bilawga ah, oo Dareen Ka Qaba Aamuska Xukuumaddu Ka Gaabsadey Xeerarkii Laga Ansixiyay Golaha Wakiilada Somaliland.
Ururada Siyaasada Somaliland, Qaar Kamid ah ayaa Dareeno Culus ka Qaadatey, Sida ay Xukuumaddu uga Gaabsatey Miishinkii u Dambeeyay, ee Golaha Wakiilada Somaliland Gaar ahaan Mudanayaasha Mucaaridka ah ee Goluhu ansixiyeen Isniintii Toddobaadkan Kaas oo Isla Salaasadii Shaley Loo Gudbiyay Golaha Guurtida.
Arimaha Khusuusiga u ah Dareenka ay Qaateen Ururada Cusub ee Siyaasada Somaliland, ayaa dabada Ku haya, Saamaynta iyo doorka ay Sanadahan Dambe Ganacsatadu Ku Leeyihiin Geedi Socodka Doorashooyinka, iyo Guud ahaanba Arimaha Siyaasadeed ee Ka Socda Somaliland taas, oo aanney Wakhtiyadii hore, usoo dhaafi Jirin Daaha Dabadiisa Haseyeeshee, ay Banaanka usoo jiigsadeen, tan iyo intii Kadambaysay Markii Xisbi Xaakimka Kulmiye Ka Wareegay Talada Sanadii 2010kii.
Sikasta, oo ay Tahey Qoddobada loo nisbaynayo, in ay Suurtagal tahey, in Ganacsatadu Ka hawl gashey isfaham ka dhex yimaada dhinacyada Isku Khilaafsan, Siyaasada Kala guurka ah ee Xiligan la Waajahay si Xeegana Xeego u Noqoto ilkana u nabad galaan, oo Arinta ugu dhawi tahey, innaanay Xukuumadda u banaanayn, Waddo looga Noqdo Ururada hawlgalkooda, taas oo Wajiga loo banaynayaa Noqon Karro oo Kaliya in ay Meel kale timaado, ka noqoshada Mawduuca Furista Ururada Maadaama aannu jirin kala Furasho Culus oo u Dhexeeya Xukuumadda talada haysa iyo Ganacsatada Somaliland.
Gabagabadii bal aynu eegno Halka uu Dareenkaasi, Gaadhsiisan yahey iyaddoo ay jirto, in aanney Wali Wax Talaabo ah kaga Jawaab celin Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo Masuuliyiinta Sarsare ee Golaha Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi hogaaminayo Marka laga Reebo Xildhibaanada taageersan Furista Ururada iyo Xildhibaanada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiiladu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker