Wasiirka Isgaadhsiinta Ma wuxuu Shaqadii Qaranka Kaga Mashquulay Kala Qaybinta Beelaha, muxuuse daaranyahay Shir Uu Bari ku Qabanayo Hargaysa?

 

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Technolajiyada Somaliand Dr Cabdiwali sheikh cabdilaahi Oo xilka wasiirnimo hayay mudadii ay talada dalka haystay xukuumada madaxwayne biixi oo haatan sedex sano ah ayaa Ah masuul kali ah ee xilka wasiirnimo ka haya bulshada kazoo jeeda gobolka gabiley ayaa tan iyo mudadii uu xilka hayay waxaa soo baxaya dhaliilo badan oo ka imanaya bulshada ku dhaqan gobolka gabiley oo gabi ahaanba aanu wax saamayn ah ku lahayn islamarkaana aanay jirin meel uu kaga hadlo baahiyaha ay tabayaan bulshadii uu kazoo jeeday marka laga tago in uu kazoo qaybgalo munaasibado ay qabanayaan maamulka gobolka gabiley iyo ka Degmada gabiley balse Aanu waxba ku darsan maalin kaliyana lagu arag isagoo baahiyahooga ka hadlaya.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Hadaba wasiirka wasaarada isgaaadhsiinta jsl Dr cabdiwali oo isagu ah masuul ku cusub saaxada siyaasada Somaliland ayaa wakhti xaadirkan shaqadii qaranka kaga mashquulay kala qaybinta beeshiisa iyo khilaaf uu kala dhex dhigay guud ahaan.

Madaxdhaqameedka beeshiisa iyo aqoonyahanka oo uu tahli Waayay in uu isku keeno si ay uga wada tashadaan Aayaha siyaasadeed ee beesha cida ku matalaysa golaha wakiilada taasi oo keentay in ay kala fogaadaan madaxda dhaqanka iyo cuqaasha jufadiisa ayaa hada bilaabay in uu shirar magaalada Hargaysa ugu qabto xubno ganacsato iyo dhalinyaro uu si gaar ah usoo xushay taasi oo xogaha laga helayaa tibaaxeen in ay sii Hurinayso kala qaybsanaanta reerka.

Sidoo kale wasiir cabdiwali ayaa lagu eedeeyay In Uu Shaqadii Qaranka Uu U Hayay kaga Mashquulay shirar uu inta badan la yeesho jufadiida hoose Kuwaasi oo mararka qaar uu isku dayo inuu qaarkood shir gudoon ka noqo shirarka cuqaasha beshiisa Hoose Nasiib Darro se ay ku yidhaahdaan wasiir adoo taali ah iska bax anagaa kula soo hadliye taasi oo Ay u badan tahay in beesha uu ka soo jeedaa ay isugu biyo shuban doonaan xisbiyada mucaaradka ah.

Waxa kale oo xusid mudan in wasiir cabdi wali mudadaa xilka uu hayay uu ay beeshiisu kala tagtay Oonay dhiiga wada bixin isagoo tahli kari waayay inuu isku keeno ama mideeyo
Sababtuna tahay isagoon haba yaraatee lahayn wax go,aan ah ama ku jaah wareeray kolba cidii ku dambaysa Aragtidooda.

Iyadoo xaalka baashiisu sidaa tahay ayuu hadana doonayaa inuu hada sii kala qaybiyo oo yidhaahdo cuqaashii reeraha waxaan halkoodii ku badalay ganacsato iyagu ujeedooyin kala duwan leh
Xubnaha musharrixiinta waxa ka mid ah xubno qurba jooga ah oo xilliyo adag la soo dabaashay reerka iyo xisbiga kulmiye ah oo aan lahayn nabarro hore ayuu wasiirku isku dayayaa inuu mijo xaabiyo shirkan iyadoo ay ku xeeran yihiin dareeno kala duwan sababta oo ay sobobeen talaabooyinku uu qaadayo
Su,aalah ay shacabka reer gabiley iswaydiinayaan ahaa ah Wasiir cabdiwali ma waxa uu wasiir u yahay reer xaad cali oo kali ah mise bulshada gobolka gabiley?

Dhanka kale Wararka laga helayo dhaq dhaqaaqyo uu wasiirka cabdiwali maalmihii udanbeeyay ka dhex waday jufadiisa hoose ee reer xaad cali ayaa sheegaya in uu maalinta bari oo ah jimcaha uu damacsan yahay in uu shir magaalada hargaysa ugu qabto xubno ganacsato yar yar ah iyo shakhsiyaad kale oo uu soo abaabulay kaasi oo lagu wado in uu ka qabsoomo Huteelka Xaliye Amaba Faraska Cad ee ku yaala dhaadhaca xaafada ganad ee degmada ibraahim koodbuur. Ee uu leeyahay gudoomiyaha baanka dhexe.
Shirka uu wasiir cabdiwali uqabanayo qaybo kamid ah jufadiisa hoose ayaa wararka laga helayaa waxay tibaaxeen in uu damacsan yahay sidii uu bulshada u shirka iskugu yeedhay uu ka dalban lahaa in ay ku raacaan qorshe uu wato oo ah sidii shakhsi uu wato loogu taageeri lahaa in uu noqdo musharax beeshiisa hoose ku matalaya golaha wakiilada xili uu beesha dhexdeeda ka taagan tahay khilaaf iyo xafiltan culus oo la xidhiidha cidii ku matali lahayd golaha wakiilada isagoo hore ugu soo guuldaraystay in uu xaliyo kala qaybsanaanta beesha ee la xidhiidha arimaha doorashada ayaa abuuray dareeno kala duwan oo laga cabsi qabo in ay arimaha beesha sii kala fogeeyaan islamarkaana uu dab kusii shido
Halka xogaha kale ee laga helayaa ay tibaaxeen hadii uu shirka uu wasiirku wado qabsoomo ay ka jawaabi doonaan odayaasha iyo madaxdhaqameedka beeshu.
Sikastaba ha ahaatee wasiirka wasaarada isgaaadhsiinta oo gabi ahaanba ku fashilmay in uu wada matalo bulshada uu xilka u hayo amaba kazoo jeedo ee gobolka gabiley iyadoo lagu dhaliilo go,aan qaadasho la,aanta iyo habacsanaanta ka muuqata siyaasadiisa In jidka uu qaaday iyo abaabulka shirka reerka ay ka dhalato ay sii kala fogayso jufada hoose ee uu kazoo jeedo oo mudooyinkii udanbeeyay ujeedinayay eedaymo ah in uu shaqadii qaranka kaga mashquulay shirar uu ku kala qaybinayo beesha halka uu tahli kari waayay in uu door syaasadeed ku yeesho guud ahaan gobolka gabiley.
waxaase laga war sugi doonaan sida uu madaxwayne biixi uga war hayo wasiirkii uu umagacaabay xilka qaran iyo waxyaabaha uu kaga mashquulay iyo saamaynta ay ku keeni karaan xuumadiisa iyo taageeradii ay ku lahayd shacabka ku dhaqan gobolka Gabiley.

Xigasho: Xogreeb News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker