Saaxiibkay xildhibaan Mustafe aan inyar u saxo”.

1- saaxiibky wuxuu yidhi goluhu ma furmayo ilaa uu qaladkiisa saxo.
Fasirka hadalkaasi na waa iman mayno oo goluhu koorama helimaayo.
2- mar kale wuxuu yidhi waa inoo sabtida iyo mooshin baanu keenaynaa.
Qodabkani wuxuu burinayaa qodabkii horre ee ahaa goluhu furmi maayo, suaalina waxay noqon kartaa go’aankii horre goormaad durba ka noqotay.
3- mar kale xildhibaanku Wuxuu yidhi, go’aankii goluhu sax maaha sharci ahaan.
4- Hadana xildhibaanku Wuxuu yidhi isagoo hadalka sii wata nidaamka wadanka xeerdejintiisu waa laba gole , golahan qaladkiisana golaha kale ee guurtidda ayaa sixi doona.
Qodabkanina Wuxuu buriyayay qodabkii horre oo Wuxuu aqoonsaday xildhibaanku in go’aankii goluhu u gudbay golaha guurtidda, dabcan Wixii guurtidda u gudbaana waa go’aan sharci.
Si kastaba ha ahaatee xildhibaanka saaxiibkay Iyo xildhibaanadda kale waxaan u saxayaa in ay iska daayaan garta ay sarajooga ku naqayaan iyo ka fiirsi la’aanta waxay odhanayaan .
Xildhibaan Guruuje

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker