Meydad laga soo saaray webi mara Kenya

Toddobo meydad ah ayaa laga soo saaray webiga Yala ee mara galbeedka Kenya halkaas oo u dhaw deegaan labo sano ka hor laga soo saaray tiro meydad ah.

Meydadkan oo laga soo saaray webiga labo bilood ka hor, sida laga soo xigtay warbixinta booliska oo ay arkeen saraakiil ka tirsan goobta lagu keydiyo meydadka ee Yala.

Lamana aqoonsan meydadkan xilli lagu wado in baaritaan lagu sameeyo.

Waxay ka dhigan tahay in tan iyo bishii January webigan laga soo saaray in ka badan 30 meydad ah.

Hay’adaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegayaa in shacabka ku nool deegaan ay cabsi ka muujinayaan meydadka aan la aqoon ee laga soo saaray webiga.

Booliska weli kama aysan hadlin arrintani.

Waxaa walaac laga muujiyay dhacdooyinka la xiriira meydadka laga soo saaro webiyada Kenya.

Sanad ka hor ayay aheyd markii 11 meydad ah laga soo saaray webiga Tana River ee mara bartmaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker