Fox News oo ‘been ay sheegtay’ darteed u bixineysa $787.5 milyan oo sumacad-dilis ah

Shabakadd wararka ee Fox News ayaa aqbashay inay bixiso $787.5 milyan Talaadadii, kadib markii kiis sumcad-dil ah ay kusoo oogtay shirkadda tignoolajiyada codbixinta ee Dominion, taas oo ku eedaysay Fox inay si bareer ah u baahisay been abuur ka dhan ahaa mishinadeeda loo isticmaalay doorashada Maraykanka 2020.

Heshiiska lagu soo afjarayo kiiskan ayaa ka fogaaday waxa ay khubarada intooda badani ku sheegeen inay noqon lahayd maxkamadeyn dhaawac u geysan laheyd warbaahinta Fox, taas oo mulkiilaheeda Rupert Murdoch lagu khasbi lahaa inuu ka markhaati furo maxkamadda horteeda.

Garsoore Eric Davis ayaa ku dhawaaqay heshiiskan daqiiqadii ugu dambeysay kadib markii loo xulay kiiskan 12 xeerbeegti ah, iyada oo maxkamada sare ee Delaware ay diyaar u aheyd inay dhageysato doodda furitaanka kiiskan.

Fox News ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inuu dhammaaday khilaafkii kiiskan, waxaana ay raacisay “Waan qireynaa go’aannada maxkamadda ee lagu ogaaday sheegashooyinka qaarkood ee ku saabsan Dominion inay been yihiin.”

Maamulaha guud ee Dominion John Poulos ayaa saxaafada ugu sheegay bannaanka maxkamada’ in Fox ay qirtay inay been ka sheegtay Dominion, taasoo waxyeello weyn u geysatay shirkadayada, shaqaalaheena iyo macaamiisheena.”

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in heshiiskan uusan uga baahneen wariyeyaasha Fox inay raaligelin hawada u mariyaan ama ay qirtaan in ay been abuur sheegeen.

Dominion ayaa Fox News kusoo oogtay sumacad-dilis gaareysa $1.6 bilyan bishii Maarso 2021, iyaga oo ku eedeeyay inay kor u qaadday sheegashada aan sal iyo raadka lahayn ee Donald Trump ee ah in mashiinnadooda loo adeegsaday in lagu shubtay doorashadii madaxtinimo ee uu kaga adkaaday Joe Biden.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker