Ciidamada Booliska Somaliland oo Gacanta ku Soo dhigay Dhalinyaro Gubaysay Meherd Ganacsi

Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaro dhawaan dab qabadsiinaayay ( gubaayay Meherad la yidhaa Djibouti ) oo badhtamaha Hargaysa ku taala,Sida Kamerada Qarsoon duubtay dhallinyarada oo ka koobnaa 4-afar ayaa dab qabsadsiinayay Meherada horteeda , waxaana gacanta lagu soo dhigay laba ka mida, Labadan Eedaysane ee gacanta lagu soo dhigay ayaa kala ah 1. Cabdilaahi jaamac Cabdilaahi ina Ayaan bashiir Oo 20 jira ahna kii Dabka meherada ku waday.

2- Cabdiqani Faarax Maxamed ina Farduus Axmed 23 jir ah.

Dedaallo ay sameeyeen Ciidanka Booliska JSL ayaa Saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay labadan eedaysane halka ay ku raad-joogaan 2 eedaysane ee kale oo Ciidanku aqoonsaday, Waxaanan si degdega u horgaynaynaa sharciga.

Taliska Ciidanka Boolisku waxuu halkan uga digayaa cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinta Nabadgalyada , waxyeellada hantida shacabweynaha JSL iyo wax kasta oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland in ay ku qaban doonnaa gacan bira.

Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor u sii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska.

“Boolisku waa saaxiibka dadwaynaha “.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker