Biden oo sheegay in Mareykanka uu Taiwan ka difaacayo Shiinaha

Madaxweyne Joe Biden ayaa mar kale sheegay in Mareykanka uu difaacayo Taiwan waa haddii uu soo weeraro Shiinaha.

Wareysii uu siiyay Biden teleefishinka CBS mar wax laga weydiyay in ciidamada Mareykanka ay difaacayaan jasiiradda Taiwan iyo in kale, wuxuu ku jawaabay, “haa waan difaacneyaa waa haddii weerar aan horey loo arag lagu soo qaado”.

Biden wuxuu carabka ku adkeeyay in Mareykanka uusan Taiwan ku dhiirigelineyn inay madaxbanaani raadsadaan.

“Waxaa jirtaa siyaasadda muujineysa midnimada Shiinaha, Taiwan waxay go’aan ka gaareysaa madaxbanaanideeda, kuma dhiirigelineno inay qaataan go’aanka madaxbanaanida”

Xukuumadda Beijing waxay sheegtay inay “xun tahay isla markaana ay si weyn uga soo horjeeddo” tallaabada Biden.

Wasaaradda arrimahada dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in arrintan ay si adag u kala hadashay xukuumadda Washington kadib wareysiga uu madaxweyne Biden siiyay teleefishinka CBS.

Shiinuha waxa uu Taiwan u arkaa gobol ka go’ay oo ugu dambeyntii hoos imaan doona maamulka Beijing. Laakiin Taiwan waa jasiirad iskeed madaxbanaani ugu dhawaaqday oo isu aragta in ay ka duwan tahay dhul weynaha Shiinaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker