Maraykanka ayaa Markale cambaareeyaay weerarkii Ceel baraf

Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-baraf oo ay deganaayeen ciidamada Burundi ee tirsan hawl-galka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaadhay weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab. Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Burundi ay door geesinimo leh ka qaateen hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, muddo sannado ah.

Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS iyo ka hortagga dhibaatada argagixisada.

Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabab ay ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe, sidaasi waxaa VOA u sheegay sarkaal u dhashay dalka Burundi.

Sarkaalka Burundi u dhashay, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay in toban askari ay isla goobta ku dhinteen, halka inta kale ay dhaawacii soo gaaray u dhinteen. Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan askar la la’yahay.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu waxay sheegteen inay dileen 173 u dhashay Burundi, sheegashadaa soo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay inay saldhigga ciidanka Burundi markii weerarki dhacayey ay ku sugnaayeen 161 askari. Sarkaalka Burundiga ah ayaa xaqiijiyey tiradaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker