Baadi Nimaan lahayn bay agjoogtaa

Baadi Nimaan lahayn bay agjoogtaa

 

abwaan soomaaliyeed baa wuxuu dhehay  ” Waxba yaanu xeerkay imarin
Xoolana isiin Xaaja ey Nin libinkaa xasdiyey xilihii waa yaab”

18 may waxay ahayd maalin ka mid ah maalmaha ugu adag uguna qadhaadh ee soomaray soomalind ka dib markii ay  isa soo horfadhiisteen Qorbà joog barafka yurub ,  mukayf yada carabta ku Raaxaysnaysay ,  saraakiil siyaasadeed oo koonfurta soomaliya  Qunbaa ,Babayga iyo isbaandhayska ku caabaayey iyo Jabhad duruufaha dushooda ka muuqda, dhaawaca maskaxeed iyo jidheed ,  Raamaha  iyo Aradka guud kooda ka muuqdo aan la qiyaasikarin .
oo mudo 10 sano wareegaysay baadiyaa xadeed  ka u dhaxeeya  ITOOBIYA iyo SOMALIA.
ku waas  oo la derisay Nolosha ugu adag ee Binu Aadam aduun ku Noolaado.

waxay ku Nolaayeen ,Nolol uu cirku Hu ‘  uhaa dhulkuna gogol u ahaa Quudkuna  Xayawaan iyo xasharaad Hadba waxay helaan  maalinkaas ahaa,  iyagoo sidaas ah bayhadana la kulmayeen  dhimasho, dhaawac,  dhuumasho iyo weeraro aan kala go lahayn.
sabata ku keliftay  in ay  duruuftaa ku Noolaadaan oo  guryahoodii iyo Noloshii wanagsanayd ee ku  noolayeen  ugatageen  waxay ahayd in Geyiga  Somaliyeed laga kiciyo  Dawladii Rajiimka ahayd ee dhibta badan gaysatay.

kadib  10 sano   iyo dhib badan dabadeed  markay  gaadheen ujeedkii  ay lahaayeen ,
waxaa burco lagu qabtay shir ay ku kulmayeen dhaman bulsha weynta ka soo jeeda Soomaliland oo ay hogaaminayso Jabhadii SNM.

shirkaas waxaa isa soo hordhiistay oo qadiyada ka wadda doodaayey  Rag casiir daacaya iyo Rag  dhaawacii weli qoyan yahay oo dhiigii weli Tifleeyahay ,
iyadoo Hogaanka SNM ay ku doodayeen  in aan dalka la kala goyn Qadiyada ay Naftooda u hureen oo  ay boqolaal udhinteen kumanaan kalena dhaawac iyo duruuf adag ugu Noolyihiin ay ahayd ahayd ,  kicinta Rajiimka oo keliyah ee aanay ahay burbur umad soomaliyeed .
qolyii kalena ay ku doodayaan  in dalka la kala  jaro .

SNM  waa Jabhada keliyee Aduunka  Qorshaheedii laga bedelay markay hadafkeedii gaadheen .
sababtu wax kale maaha ee waxay ahaayeen , Dad markii horena qalbi jileec saaray markii danbina qalbi jileec u taanaa sulay ,
wey awoodi karayeen in aanay shirna qaban cidna dhegaysan oo Tallada sidoo daa ku qabsadaan laakiin  umad jacayl iyo dan ta bulsha ayey saas u sameeyeen ,

maanta waa kuwaas inagu hoos dayacan ee mid  gaajaysan,  Xanuunsanaaya,  , Duruufaysan
iyo mid dhintay xaal allaale xaal ayku sugan yihiin aan garanay cidna aanay ka war hayn.

maanta waxày isku ciilkaambiyaan waqtigoodii dhalinyarada ahaa ee  ay bulshadooda u hureen, halkii ay ka sugayen maamuus iyo Taalooyin loo dhiso  waxaa loogu abaal celiyey   in aan hoos loo eegin iyaga iyo dhashooda toona

Tanaasulaad Faro badan SNM  samaysay wuxuu dhaliyey guulo badan ,  oo dawlada somaliland kow katahay

dhiiranaan badan oo SNM samaysanay wuxuu dhaliyey  Farxado badan . Kicinta rajiimku kaw ka ahaa.

W/Q mohamed  Ahmed warsame

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker