Badhasaabka Maroodijeex oo Diray Digniin iyo Farriimo Is-barkan

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi,ayaa ka hadlay tirada dadka ku baxay ee ku geeriyooday roobabkii iyo raxmaadkii ALLE ee maalmihii u dambeeyay ka da’ay guud ahaan gobolka Maroodijeex.

Waxaa kale oo uu digiin u diray shirkadaha laydhka ee shida caasimadda Hargeysa iyo wadayaasha baabuurta ee xilli roobaadka baabuurta ay wadaan si masuuliyad darro ah ugu dhex tuura dooxyada xilliga ay togaggu rogmanayaan.

Waxaa kale oo uu farriimo u kala diray dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa’shirkada qashinka ka gura caasimadda iyo dadweynaha magaalada Hargeysa.

Waxaanu Guddoomiye Jaamac sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay baaxadda qasaaraha nafeed ee roobabkii habeenaddii ugu dambeeyay Hargeysa iyo guud ahaan gobolka Maroodijeex ka da’ayay ay geysteen,ayaa yidhi. “horta guud ahaan gobolku wuu roobban yahay Nimcadda ALLE innoogu deeqayna ka caban mayno oo roobku waa waxa aynu ugu baahi badanahay ee innaga saari kara abaarta soo noq-noqotay waana deeq ALLE oo aynu ku xamdi naqayno, dhibaatooyinka ugu badan ee xilli roobaadka qasaaruhu innagaga yimaadaa waa dooxyada oo xilliga ay toggagu rogmanayaan ay si aan masuuliyad iyo xilkasnimo lahayn dirawaliinta baabuurta wadaa ay dooxyada ugu dhex tuuraan biyaha rogmanaya,xalay(habeen hore ) waxaa gaadhi candho maydle ah qaaday oo la tegay dooxa Aw-barkhadle oo aanu xalay (habeen hore) oo dhan ku maqnayn halkaa ALLE ha u naxariistee nin baa ku geeriyooday oo meydkiisii goor dambe la soo helay, maalin horena dhimasho ayaa jirtay oo waxaa dhacday in wiil yar oo dhallinyaro ah oo gaadhi kaga degay agagaarka xabaalaha dhinaca galbeed ee caasimadda Hargeysa oo doonayay in uu laag ka tallaabo oo uu daad qaaday waxaanay dhacday 13,kii bishan,waxaa kale oo jirtay in uu baabuur ka qaaday magaalada Hargeysa gudaheeda markaa halista ugu wayni waa dooxyada iyo laaga iyo masuuliyad darro inta badan ka timaadda wadayaasha baabuurta,markaa wadayaasha baabuurta waxaan uga digaynaa in ay is eryad masuuliyad darro ah dadka ay sidaan iyo gaadiidka ay wadaanba ugu sii dhex daayaan dooxyada taasoo sabab u noqon karta in nafo badan oo innagu qaali ah iyo hantiyiba in ay dooxyadu innaga galaaftaan,waxaan faraynaa dirawada gaadiidka wadaa in ay dhawraan shuruucda dalka iyo badbaadada dadka iyo hantida ay wadaanba waana lagula xisaabtamidoonaa wax kasta oo masuuliyad darro ah oo dhanka dirawaliinta ka timaadda.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay tallaabooyin ay qaadeen oo ay kaga hor tegayaan shilalka dooxyada ka dhaca xilliga ay daadadku soo rogmadaan,ayaa yidhi. “dooxa Aw-barkhadle isla xalayba ciidanka boolisku heegan ayay ku ahaayeen oo illaa laba boqol oo gaadhi oo labada dhan iskaga gudbayay ayaa la joojiyayintii toggu rogmanayay saakana(shalay) waxaanu amarnay in la sameeyo labadii istabood ee labada dhinac ka xidhi lahaa marka dooxu soconayo si bad qabka dadka iyo gaadiidkaba loo ilaaliyo isla maantana(shalay) hawshaasi way qabsoontay waanay shaqaynaysaa.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay halista xadhkaha laydhka ee magaalada dul wadhan iyo qasaaraha ay keeni karaan xilli roobaadka,ayaa ku jawaabay. “horta halista laydhku waa mid jirta horena waanu ula shirnay shirkadaha laydhka oo waxaanu farnay in ay sameeyaan hab laydhka lagaga badbaadi karo xilli roobaadka suuqeenuna waa wada cidhiidhi iyo waabab magaalada oo dhanna waxaadulmara xadhko laydh oo dabaysan markaa in badan ayaan shirkadaha ka wada hadalnay imikana mar labaad ayaan ku war gelinayaa in laga rabo in ay si weyn uga taxaderaan halis ka iman karta laydhka iyo in ay qorsheeyaan hab laydh oo kaammaan badan sida uu hadda yahay markaa waa xaalad jirta khatarta laydhku waanan la soconaa qorshaha dawladduna wuxuu yahay in la helo laydh ammaan ah oo sidan ka duwan arrintaana waanu wadnaa.”

Guddoomiye Jaamac oo la waydiiyay siduu uga hawl gelayo dhaliil badan ooloo jeedinayo xilli roobaadkan dawladda hoose ee caasimadda oo lagu duray in aanay magaalada ka shaqayn oo qashin iyo roobabkii is gaadheen iyo boodhadhka magaalada meelkasta biraha lagu tahay,ayaa yidhi. “horta dawladda hoose shaqadeeda in aanu ku daba galno oo wixii ka qaldan aanu ku toosino diyaar ayaanu u nahay dhaliilina way imanaysa kol haddii shaqo la qabanayo markaa dawladda hoose iyo shirkadaha ka shaqeeya qashin gurka caasimadda ee gaarka loo leeyahayba shaqadooda waanu ku daba galaynaa mana ogolaanaynoin xashiishka iyo biyaha roobku isa soo gaadhaan si aanay saamayn caafimaad darro uga dhalan.

Boodhadhkan meel kasta birta laga taagay iyaguna halistooda ayay leeyihiin oo dabaylaha ayaa oo ridi kara xilli roobaadka waxay sababi karaan in ay xataa iyasgu soo gooyaan xadhko laydh markaa iyagana dib u eegis,ayaanu ku samaynaynaa bulshadana waxaan uga digayaa in ay ka daayaan biyaha roobka qashinka ay soo raacinayaan ee ay is leeyihiin ha kaa qaado roobku oo dooxa ha geeyo ama ha ku daro,qashinkaa biyaha roobka la raacinayaa wuxuu sababaa in laaguhu ay awdmaan oobiyuhu socon waayaan oo qashinku xidho halkii ay mari lahaayeen taasina cudurro ayaaka dhalan kara marbaa bulshaduna arrintaa ha iska dayso.”

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi,

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker