Qoys Maraykan Ah Oo Lagu Laayey Dalka Mexico

Ugu yaraan sadex Haween ah iyo lix Caruur ah oo  Ahaa muwaadiniin Mareykanka ah ayaa lagu dilay Weerar ka dhacay waqooyiga Mexico, sida ay Xaqiijiyeen saraakiisha Amniga  ee Dalkaasi.

Falkan ayaa waxaa ka badbaaday lix caruur ah, iyadoo dhanka kale la helay Ilmo yar oo dhaawac daran uu ka Muuqdo.

Xoghayaha Nabadgelyada Mexico, Alfonso Durazo ayaa sheegay in Weerarkan ay ka danbeeyeen kooxaha ka Ganacsada daroogada ee ku sugan Mexico.

Wuxuu intaa ku daray in dadkan ay saarnaayeen gaadhi  laguna qaldamay dilkooda maadaama kooxaha ka ganacsada daroogada ee ku sugan Mexico mudooyinkii la soo dhaafay Ugaadhsi  isugu Jireen.

Inkastoo wali Ilmo yar Aan lahayn  nolol Geeri   hadane waxaa Caruurtii ka  badbaaday la geeyay Magaalada Phoenix, ee gobolka Arizona.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa mudo tobanaan sano ku noolaa magaalada La Mora ee ismaaulka Sonora sida ay xaqiijisay dowlada Mexico.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker