Nidaamyada kelitaliska ah waxa astaamaha ay leeyihiin ka mid ah qofaynta & qolaynta qaranka iyo dawladda.

Nidaamyada kelitaliska ah waxa astaamaha ay leeyihiin ka mid ah qofaynta & qolaynta qaranka iyo dawladda.

Kelitaliyayaasha kolkay hortooda timaaddo runta dareenka diidmada ah ee dadka ee ay arkaan iyada oo farta si weyn loogu soo fiiqayo indhaha bulshaduna la socdaan tallaabooyinka ay qaadayaan, waxay la soo baxaan xeelad kale iyo inay dhaliisha, diidmada, iyo karaahiyada bulshadu u hayso ay ka dhigaan in qarannimada lagu socdo oo lagu soo duulay.
Nafahooda iyo qaranka iyo dawladda ummadda ayay isku mid ka dhigaan dabadeed kii basarxumadooda soo hadalqaadaba wax ay ka dhigaan ruux cadaw qarannimada ku ah iyaga oo aad u adeegsada shaanbaddii caanka uu ku ahaa Taliskii Barre ee qarandumis.
Mid ka mid ah sababaha ay sidaa u samaynayaanna waxa weeye iyaga oo hab maamulkooda, ficilkooda, difaaci karin, dhaliilaha loo jeedinayo iyo waxa lagu haystana iska beri yeeli karin.
Sababtaas bay qarannimo ummadda ka dhaxaysa isaga dhigaan keligood inay daacad u yihiin oo ay gaadh ka hayaan.”

Qoraa:Cabdiqani Cabdillaahi Adan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker