Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askari qof shacab ahaa u dilay sabab aad loola yaabay

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya oo maalin ka hor nin shacab ahaa ku dilay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Askariga ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in qofka shacabka ahaa uu ku dhex dilay goob timaha lagu jarto, waxaana dad goobjoogayaal ahaa ay sheegeen in askariga uu doonayay inuu ka hor maro ninka shacabka ahaa oo ku fadhiyay kursiga timaha lagu jarto.

“Askariga oo qorigiisa wata ayaa tagay goob Timajare ah nin ayaa ka horeeyey wuxuu ka dalbaday inuu ka horumaro ninkii ayaa diiday arrintaas ka dibna askariga qorigiisa ayuu la baxay halkaas ayuu ninkii ku dilay” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay falkaan uu askariga ku dilay muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in sharciga la horkeeni doono askariga dilka geystay.

“Booliska oo kaashanaya laamaha kale ee amaanka iyo shacabka ayaa gacanta ku dhigay askariga oo ku jiray xaalad baxsad ah sharciga ayaana la soo taagi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Qaar ka mid ah askarta ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mararka qaar sidaan oo kale waxyaabo iska fudud u dila dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker