CAAQA IYO GABAYGII XAAJI AADAN AF QALOOC W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

Axmaqa ama caaqu waa qof aan tudhaale iyo jixinjix toonna lahayn, wuxu eebe weyne si gaara u siiyey ama u yeelay dabci iyo dabeecad qallafsan oo aan waxba xeerin, soohdinna aan lahayn.
Xaaji aadan axmed afqalooc ayaa gabaygan dhexdiisa ku dheeraystay inu inoo soo tebiyo qaar kamid ah Tilmaamaha iyo sifooyinka xun-xun ee qofka caaqa ahi leeyahay, gabaygani wuxu kamid yahay suugaanta xaajiga ee soomali hogatusaalaynta u ah, waa hogetus guud iyo hawaale warran, waxaanu Xaajigu adeegsanayaa aftahamo dheeraad ah oo uu in badan kaga gedisnaa abwaanadii la jaalka ahaa, wuxu si dhaba u adeegsanayaa humaagyada suugaanta soomaalida gaar ahaan humaaga ekeeyaha oo uu xaajigu ku muujinayaa dhaqanka iyo dabeecadaha caaqa. Wuxu xaajigu inoo soo banbixinayaa tusaalayaal dhowr ah kuwaas oo uu caaqa u ekeeysiiyey sida laboodka gunburiga oo laaya dhashiisa marka ay ifka yimaaddaan, taasoo keenta in hooyada gunburiga marka fooshu qabato ay la firdhato oo la fogaato, si ay ugu dhasho meel ka durugsan halka uu gunburiga lab ee weyni joogo.
Hadaba waxa jira xawayaano laaya ama dayaca dhashooda sida gumburiga, gorayada iyo kuwo daryeela oo ilo-xidh geeya cadowgana ka ilaaliya sida shimbiraha, iyo aboorka heestan ay ku luuqayso fanaanada caanka ah ee hibo maxamed hibo nuura taas oo tilmaan ka bixinaysa xawaanadaas ayaa tidhaahda:
Gorayadu ilmaheeda
Aroori bay dhigtaayoo
Aboodigu ku laayaa
Shimbirtuna aroosbay
Ila-xidhoo amaana bay
Ilmaheeda seexisaa
Kala awdan labaduye
Edebtiyo aqontiyo
Asluub bay isku dhaafeen
Caqligii wanaagsani
Itaal inu ka roonyahay
Bal eegoo u fiirsada.
Ilkoweyne maroodigu
Araduduu mirtaabaa
Cadowguna ka ugaadhaa
Aboorkuna dudumadaan
Aragnay buu dhistaayoo
Naftiisa ku ilaashaa
Kala awdan labaduye
Edebtiyo aqontiyo
Asluub bay isku dhaafeen
Caqligii wanaagsani
Itaal inu ka roonyahay
Bal eegoo u fiirsada.
Ma ogtihiin sakaaradu
Awaarahay qodaayoo
Saaladeeda ku aastaa
Libaaxuna ma asturee
Hilimadu ka arooraan
Siigadiisa ku aragnaa
Kala awdan labaduye
Edebtiyo aqontiyo
Asluub bay isku dhaafeen
Caqligii wanaagsani
Itaal inu ka roonyahay
Bal eegoo u fiirsada.
Sida xayawaanku u kala duwan yahay ayaa aadmiguna ukala gedisan yahay hadii xayawaanku leeyahay dar axmaq ah oo dhashiina aan daryeelin aadmiguna waa lamid wuxu leeyahay kuwo sida xaajigu sheegayo caaq ah oo aan edebta aadmiga aan lahayn. Gabaygu waxa uu curtay sannadkii 1967, waana duur-xul ku jihaysan dhaqankii xumaa ee madaxdii Soomaalida ee talada iyo masiirka ummadda sida axmaqnimada ah ugu gabbood falayey. Waxa uu yidhi
Sheekooyin caaniyo qisada caarif laga yeelay
Iyo wakhtiyo caam ahaa sebenkii caws weyne
Dameer ceesh sidaa la ambadoo eey cawaansadaye
Carro bahallo liyo waxay mareen meel cidhiidhiyahe
Cabaadkii dhurwaagiyo wixii daalin caranaayey
Colkii habar-dugaag oo dhan buu eygii caabbiyeye
Wuxu ciyoba goortuu qadshuu ciil la gaamuraye
Cidluu kaga dhaqaaquu kolkaas cunay waraabiiye
Haddii uu ceshado wuxuu ahaa ciidan kaafiya’e
Caaquna waqiis keli cunkuu ku cimri waayaaye
Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline
Caadada gunburi leeyihiyo curuf xumaantiisa
Carruurtiisa tiisii lab buu cadawgu laayaaye
Cabsuu uga qabaa habarta maray cudud u yeeshaane
Ta dheddigina way camal taqaan caynka uu yahaye
Sidkeedoo cashooyin u hadhay bay ka carartaaye
Ilaa uu iska caabbiyo uma tagtoo waa cilmi Ilaahe
Cad naxaa kas-gaab kuma jiroo caabudaad ma lehe
Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline
Careef badda qallacay oo biyaha ka cab awood waayey
Oo ciidda luguhuu la galay caawiye u baahday
Ciidamis rahii ugu yimuu cunay mansuukhiiye
Kolkaad nacas caqiibo u gashuu kula colloobaaye
Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline
Cagaa wuxuu ku xaadhiyo walwaal digadu waw cuude
Carfigiyo udgoonkaa diluu cadho la suuxaaye
Caqli xumada doqonkay dabciga curuf wadaagaane
Wixii caafimaadiyo dawada waa ka cararaaye
Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline
Haddaad cariso jinac ways cunaa cadho daraaddeede
Caarada u dheer iyo lugaha waysku celiyaaye
Naftiisuu cidhiidhyuu is yidhi waad ku ciil bixiye
Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline
Gorayadu col toogtiyo hadday cadow ka yaabayso
Cidi yay ku arag bay indhaha ciidda gelisaaye
Cidi inay ogayn bay la tahay caalamkoo idile
Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline
Coongaar haween ahi hadday reerka ku cayaarto
Oo aanay casiiskeeda qaba cayda kala waaban
Ama ay ciddiyo dheer tahoo derisku soo cawdo
Oo aanay carruurta u arxamin caga yartay hayso
Cashada la eryo reeraha xigay calal u maydhaaye
Ciskii iyo libtii waxawgu xiga soo caddee dheriye
Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal helin

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker