Qadiyadda Somaliland Kuma Xidhna In Aby Ahmed Yidhaahdo Farmaajo iyo Kheyre Hala iskubadelo Ee Waxey Ku Xidhan Tahey Inuu U Sheego Tanaasulkii ay Elatariya U Sameeyeen

Inkastoo Aduunyadda oo dhan Gaal iyo Islaam iyo Kuwii Awoodaha Sheegtayba, Illaahay Tusey Itaalkooda oo Qolyihii Quwadaha Aduunka isku Tilmaamey Nin Waliba qol hoosta kasoo xidhay haddana Soomaali Itaalkeeda iyo Arinkeeduba Wuxuu dhaafi Waayay Xin iyo Xaasid ay xataa Xanuunkaa Dhengaddii Gaalada ah  Qaramadda midoobay gacamaha ku hoorsanayaan Xaqiiqdii halkaasaa ka liidata qol madhan oo aan Waligii Talaabo hore u qaadaynin.
Haddaan usoo noqdo Dulucdda Nuxurka Qormaddan Waxaa maalmahan soo baxaya Wararka Sheegaya  in Raysal-wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed sida uu Qorey Waegeyska Geeska Afrika uu haddana Mar la baad doonayo qorshayaashiisii ay Wada gaadheen Madaxda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaana Farmaajo iyo Kheyre oo ah in Madaxweyne Farmaajo laga badelo mawduucii Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu badelo Raysal-Wasaare Xasan Cali Kheyre Runtii Qadiyadda Somaliland kuma Xidhna in Raysal-wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Yidhaahdo Farmaajo iyo  hala isku badelo  Kheyre ee hadii ay Daacad ka Yihiin in uu Abaaro oo dhexdhexaadin ka galo Wadahadal Dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya Waxey aheyd in uu Saaxiibadii u Sheego in aaney indhaha ka qarsan Qadiyadda, jiritaanka,halganka,iyo Dawladnimada Somaliland tahey lasoo noqotey oo ay u tanaasulaan Sidii ay Dawllada Elatariya Geesinimadii Males-Zanawi Ku xaqiijiyay Madaxbanaanideeda iyo halgankeedii mudada dheer Raysal-Wasaarihii Geeriyooday iyo tii u Dambeysay ee isaga Aby Ahmed uu kaga Kacey dhulkii Boqolaalka Kun ee Ciidamada ahi ku Dhinteen kuna tanaasuley.
Sikasta oo arintaasi ay qolyaha Soomaaliya Xaqiiqda uga kaxaynayaan Somaliland Marnaba Xaqeeda ku Waayi mayso haasaawaha iyaga iyo Aby Riyooyinka u Noqdey haseyeeshee, haddii  Aby Ahmed noqdo mid Nimankaa fikirkooda kaliya Dabada ka Riixaya Waxaa u Wanaagsan Qolladan Somaliland taladeeda haysa in ay Ninkaa u Cadeeyaan in Somaliland Shacabkeedu ahmiyad Culus u Hayaan Ninka Taageerada baddan ka haysta Qowmiyadda Oromadda ee ugu Tiradda badan Dalweynaha Itoobiya, Jawhar Maxamed Ninkaasaa u Muuqda in uu Xaqiiqda uga dhawyahey, e Martiqqaadna ha u Fidiyeen.
Wabilaahi Tawfiiq
Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker