Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo ka Dhacay Koonfurta Hargeysa
Alla ha Unaxariisto eh laba Nin ayaa ku Geeriyoodey shil baabuur ayaa caawa ka dhacay Degmadda Maxamuud Haybe ee Koonfurta Magaalada Hargeysa gaar ahaan waddada tagta Madaarka Hargeysa, Labadan Marxuum ayaa lagu Magacaabijirey Mawliid Abiib Jaamac iyo Sidiiq Xaashi.
Waxaana Shilkani Labada Nin Ku Nafwaayeen la sheegay inuu Sababay Gaadhi Wayn oo Nooca Xamuulka ee Waaraadka loo yaqaano.
Ciidanka dambis oo hadda goobta ayaa gurmad u fidinaya dadka ku waxyeeloobay shilka Buubuur.