Hooyo Faadumo Ibraahim waxay Astaan u tahay xorriyadda, kaftanka, madadaaladda,

Hooyo Faadumo Ibraahim waxa ay Astaan u tahay xorriyadda, kaftanka, madadaaladda, iyo faallooyinka arrimaha bulshadda, waa hooyo leh hibbo hadal, suugaameed iyo siyaasaddeed.

Muddo hadda sannad ah waxa ay caan ku noqotay ka sheekaynta xaaladdaha jira ee soo wajaha nolosha Somalida si gaar ahna waxa ay ku suntan tahay Somaliland iyo sawirkeeda siyaasaddeed.

Si ilbaxnimo iyo biseyl weyni ka muuqdo ayey uga ra’yi dhiibata wixi dhex yaala dalka ee war iyo wacaal ah hadalkeedu wuxu ka saafan yahay cunfi, cadho, qabyaalad iyo kal qeybin bulsho.

Waxa ayaandarro iyo aafo qaran ah qof kaalin galkaas nololeed leh in aayar loogu dhex hanjabo dalkeeda hooyo!

Hay’addaha Amaanka dalka waxa aanu cod dheer ugu sheegayna in ay sharciga horkeenan qofka hooyadda ugu soo hanjabay dil sida ugu dhakhsaha badan.

Hooyo Faadumana waxa aan leeyahay waxa aad tahay dheemaan aanu dheer nahay dalalka dunida ee nala joog oo hanjabaad ha u joojin shacabkaaga sharafta badan ee ku jecel ayaa harreerahaaga iyo hortaadaba jooga.

Waxa qoray:

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker