Magaalo dumarka la guursado sanado badan laga maqnaado

Waxaa jirta magaalo ku taal galbeedka Afrika oo ragga dhaqan u noqotay inay ka tagaan oo shaqo radsadaan. Haweenka badanaaba waxaa laga maqnaadaa muddo sannado ah ama xataa tobannaan sano.

Laakiin magaalada Beguedo ee dalka Burkina Faso keligeed sidaasi kama dhacdo. Waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Afrika oo arrintaas oo kale ay ka dhacdo, iyadoo raggu ay u dhoofaan waddammada deriska ah ama Yurub iyagoo rajeynaya inay ka helaan shaqooyin mushahar wanaagsan leh.

Sidee bulsho u noolaan kartaa marka ragga iyo xaasaskoodu ay ku kala nool yihiin dhul kala fog kumannaan mayl?

Alimata Bara mar walba way qoslaysaa, mar walba kaftamaysa. Maanta waxay ku qoslaysaa nasiib xumadeeda, inay noqotay xaas aan nin haysan. Toddoba sano kahor, iyadoo 17 jir ah, waxay guursatay nin Talyaani ah, oo ka shaqeeya dalka Talyaaniga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker