Madaxda Maraykanka oo ku taliyay cunaqabatayn Sacuudiga lagu soo rogo

Labo iyo laabatan xubnood oo ka mid ah aqalka senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa Madaxweyne Trump u diray qoraal ay ku dalbanayaan in la bilaabo baadhitaan rasmi ah oo ku aaddan saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la waayey iyo suurta galnimada ah cunaqabatayn la saaro Sucuudiga.

 

Tallaabadan xubnaha senate-ka Maraykanka ayaa faraysa madaxweyne Trump in uu cunaqabatayn kusoo rogo Sucuudiga, haddii baadhitaanka lagu ogaado in Sucuudigu uu ku lug lahaa in Mr Khashoggi la waayo.

Madaxweyne Trump ayaa weriyasha u sheegay in Mr Khashoggi arrintiisa uu ka la hadlay saraakisha Sacuudiga gaar ahaan kuwa ugu sareeya.

Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashoqgi oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Ninkan wuxuu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada.

Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Mr Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda, maydkiisiina halkaas laga saaray arrinkaas oo xukuumadda Riyadh ay beeninayso.

Aqalka cad ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo u khadka talefoonka kula hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salman isagoo xog dheraad ah ka weydiyay xaalada dhabta ah.

Mar sii horeysay arbacaddii saxaafadda Turkiga ayaa daabacay sawirada kameroooyinka qarsan ee CCTV oo muujinaya cadeyn ah qorshaha Mr Khashoggi lagu waayay.

Sawirada kamerooyinka ayaa muujinaya saraakil looga shaki sanyahay mukhaabaradka Sacuudiga oo soo galaya sidoo kalena ka baxaya Turkiga iyago isticmaalaya gegida diyaaradaha ee Istanbul.

Baadhayasha Turkiga ayaa hadda ku howlan baaritaanka laba diyaaradood oo laga leeyahay dalka Sacuudiga oo caga dhigtay garoonka Istanbul 2dii bishan Oktobar. Fidiyoowga kaamerada ayaa muujinaya diyaarad garoonka ku sugan oo dad sugayso,

Jamaal Khashoggi, ayaa qunsuliyadda u tegey si u buuxiyo warqado u ku guursan lahaa gacalisadiisa ,Hatice Cengiz oo u dhalatay dalka Turkiga.

Gabadhaas oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho. Sida uu nidaamku yahay, Khashoggi waxaa laga qaaday telefoonkiisa gacanta – arrintaasoo qayb ka ah nidaam caadi ah oo la maro marka la galayo qunsuliyadaha iyo safaaradaha.

Wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga ee Sabah, ayaa sheegay in ay aqoonsadeen koox sirdoon ah oo ka kooban 15 qof oo qayb ka ahaa in la waayo weriye Jamal Khashoggi.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in baaritaan ay ku sameyn doonta qunsuliyadda Istanbul halka wasaaradda arrimaha dibedda ee boqortooyadda Sucuudi Carabiya ay sheegtay in dalkeeda ay diyaar u tahay wada shaqeyn iyo in baaritaanka dhismaha uu ka bilaabmi karo.

Xigasho: BBC

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker