Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Kulan Kula Yeeshay Washington Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya.

Xoghayeyaasha Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) Iyo Abaabulka Iyo Wacyi-gelinta  Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Ayaa kulan Casho iyo is Xog-waranka Heerkiisu Sareeyo La Yeeshay Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Amb Larry André oo ku sugan Caasimadda Maraykanka ee Washington D.C.

Siddoo kale waxay Masuuliyiinta Xisbigu la kulmeen Michael D. Fools oo ah Sarkaal Sare oo ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Waax-da Afrika gaar Ahaanna Xafiiska Qaabilsan Soomaalida.
Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Iyo Diblamaasiyiinta Maraykanka, Ayaa ka Wadda Hadlay Xaaladda Siyaasadda Iyo Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka oo ay ugu muhiimsan yihiin Arrimaha Doorashooyinka, Nabad-galiyadda, Dhaqaalaha Iyo Horumarinta Xidhiidhka Somaliland Iyo Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker