Wafdi ka socda dawlada Somalia , Safaaradaha Kenya iyo Itoobiya oo gaadhay goobtii ay diyaaraddii African Express ku dhacday

Muqdisho (OWN) – Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta gaadhay goobtii ay shalay galab ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Wafdigaas waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa halkaas u gaaray sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sababtii ka dambeysay in diyaaradaasi ay soo dhacdo, waxaana laga war sugayaa wixii ka soo baxay baaritaankaas oo sida muuqata ay iska kaashanayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa u balan qaaday in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono sababtii ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaraddu.

War qoraal ah oo warbaahinta Kenya ay soo xigteen waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo.

“Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Lix qof oo laba Soomaali aheyd ayaa ku naf waayey shilkaas, kuwaas oo kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid Cabdullaahi Maxamed.

Xildhibaan Cabdiraxman Aadan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha Shirkadda African Express ayaa sheegay in muuqaal Saterlite laga qaaday uu muujinayo in diyaaradda wax lagu dhiftay, xilli ay 5-KM u jirtay runway-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker