“Somaliland Waxa U Bilaabmay Mugdi Siyaasaddeed Allah Ha U Sahlo eh” Siyaas Cali Guray

“Lay out plan” maan arag. Dhismayaal gooni gooni ah ayuun baan arkayaa tiradoodu xataa mooyi inta ay tahay. Waxa la leeyahay inernational bid baa la bixiyay oo waxa ku guulaysatay shirkad soodani ah. Dhismayaasha aan sawiradooda arkay waxan garan waayay ka loogu talogalay suuqa hilibka iyo khudradda ee malaha waaba kan. Adigu madmadow badan Allaa ku yaqaan uun iga dheh m. Ilaa inta dhiska la bilaabayo anigu waxba ka garan maayo. Muddada dhisku qaadanayo iyo kharashka ku baxaya lama sheegin midna.
Madaxwaynahana wax ka yar 5 bilood baa u hadhay sharci ahaan. Muddo korodhsina wuu wadaa mooyi inta ay noqon doonto iyo waxa xisbiyada mucaaridku ay ka yeeli doonaan. Dibadda ayaabu dhigi malaha inta aanu kordhsan. Somaliland waxa u bilaabmay mugdi siyaasadeed Allah ha u sahlo eh”
  Siyaasi Cali Yuusuf “Cali Guray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker