Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton Oo Qirtay In Uu Xidhiidh La lahaa Monica Lewinsky
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa sheegay in Xidhiidhkii uu la yeeshay Monica Lewinsky uu ujeeddadiisu ahaa inuu isaga baabi’iyo walwal heystay.
Hadalkan ayuu ku daray Barnaamij cusub oo xog Uruurin loogu sameynayo musharraxnimadii xilka madaxweynaha Doorashadii 2016-ka ee xaaskiisa Hillary Clinton, kaasoo isla iyada loogu magac daray.
Mr Clinton ayaa mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyay sanadkii 1998-kii, xilligii uu madaxweynaha ahaa, kaddib markii lagu eedeeyay inuu been u sheegay koox Baadhitaan ku sameyneysay xidhiikii uu la lahaa Ms Lewinsky.
Markii dambe waxaa dacwaddii ka dhanka ahayd madaxweynaha laalay Aqalka Senate-ka.
Ms Lewinsky ayaa ahayd haweeney 22 jir ah oo tababar shaqo u joogtay Aqalka Cad, xilliga ay madaxweynaha Xidhiidhka Yeesheen.
Mr Clinton ayaa kooxda barnaamijka xog aruurinta ah sameyneysa ku yidhi: “Wixii aan sameeyay wuxuu ahaa wax xun, laakiin ma ahayn sida aan moodayay, aan ka fikirno waxa ugu doqonimo badan ee ay suurtagal ahayd inaan sameeyo”.
Xiriirkii madaxweyne Clinton iyo Ms Lewinsky ayaa warbaahinta qabsaday dabayaaqadii 1990-meeyadii.
Clinton ayaa markii hore inkiray inuu wax xiriir ah la yeeshay haweeneydan, inkastoo markii dambena uu qirtay inuu la sameeyay “xidhiidh jinsiyadeed oo aan habbooneyn”.
Jawaabtii ugu horreysay ee uu arrintan Mr Clinton ka siiyay warbaahinta – oo ahayd “Anigu xidhiidh galmo lama yeelanin haweeneydaas” – ayaa noqotay mid ka mid ah oraahyaha siyaadadda Mareykanka ee ugu caansan.
Ms Lewinsky ayaa mar kasta ku adkeysan jirtay in xiriirka dhex maray iyada iyo madaxweynaha uu ahaa mid lagu heshiiyay, laakiin waxay ku qeexday “Ku takrifal awoodeed”.
Waxay goor dambe sheegtay inaysan aad u fahansaneyn cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintaas, maalin kasta ay ka qoomameyso.
Mr Clinton ayaa barnaamijkan ku sheegay inuu aad uga xun yahay in nolosha Ms Lewinsky oo idil ay u burburtay xidhiidhkaas awgiis.
“Sannado badan ayaa isku dayayay inaan arko iyadoo nolosheeda caadiga ah dib u heshay laakiin ma dhicin”, ayuu yidhi.
Hillary Clinton oo wax laga weydiiyay arrintaas ayaa sheegtay inay musiibo weyn ku noqotay.