Maxaad Kala Socotaa Shimbiro Mushkilado Ku Abuuray Bulshada Magaalada Jigjiga

Waxaa magaalada Jig Jiga soo buux dhaafiyay shimbir-guurto tiro badan, taas oo dadka u diiday hadhsi iyo hadhgalba.

Haweenay ka mid ah dadka degen magaalada oo ka sheekeynaysa dhibaatada ay ku qabto shimbirtan, ayaa waxay tidhi “Shimbirtan geed daaradda ku ag yaala ayay soo fuushaa, xaarkeeda guriga ayuu naga wasaqeeyaa, markaan wadada marayno anaga oo labisan ama aan suuqa aadayno waa ay nagu xaartaa, marka uu roobku da’o waa ay urtaa, geedaha ay soo uruursato ee ay buulka ka dhisanayso jiingadda ayay dabaysa kusoo daadisaa”.

Ma ahan xaafadaha oo kaliya, ee xitaa waxa ay shimbirta gabogabeysay suuqyada, gaar ahaan suuqyada dadka dan yarta ay wax ku gataan, laguna iibiyo waxyaabaha sida xasiidka, looska iyo haruurka kale. Dadka halkaas wax ku iibsada waxaa ka mid ah Qaali Abiib oo BBC-da u warantay “Shimbiraha xarakooda xanuuno ayaa laga qaadaa , dhibaato badan ayaan ku qabnaa , anaga ayay na wada wasaqaysay, siqaayadihii ayaa wada xaar ah, maskaxdii ayay na wareerisay, dadkii wax naga iibsanayayna waa ay ka cararayaan waxaan qadhmuunkeedii, masaakiin baan nahay suuqan ka ganacsanaysa meel aan shimbirahan ka aadnana waan garan la’nahay”.

Dadka ayaa waxa ay dowladda ka codsadeen in wax uun ay ka qabato shimbirahan, balse dowladda lafteeda ayaa dhib ku qabta shimbiraha sida uu ka waramay Faysal Cabdi “Waxyaabaha dhibka ah ee aan ku qabno waxaa koow ka ah, qeylada faraha badan, marka aan soo galayno xafiiska, dharkii aan kusoo labisanay waa ay nagaga xaartaa, waxaaba tusaale ka ah saakadan oo ugu dambeysay waakan indhahaada ayaad ku aragtaa, dharkii aan soo labistay saas ayay ka wada dhigtay, dee in aan maalin kasta inta aan halkan ka noqdo aan dhar soo badalo , maalin kastana aan ka walbahaaro toloow saakay ma shimbirtii ayaa kugu xaari”.

Shimbirahan ayaanan la ogeyn in ay dhexsin ku yimaadeen oo uu xilliga keenay oo ay meelo kale u guuri doonaan iyo in ay si kama dambeys ah usoo degeen Jig Jiga.

 

Xigasho BBC SOMALI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker