Wasiirka Maalgashiga iyo Wershadaha JSL oo qaabilay wefti ka socda Midowga Yurub iyo Baanka horumarinta EU-da

Hargeysa (OWN)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Abdilaahi Abdirahman Aare ayaa xafiiskiisa kula lulmay wafti heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub iyo Baananka Horumarinta Yurub oo booqasho ku yimi dalka.

Ujeedada ugu wayn ee waftigan ayaa ahayd sidii ay u indha indhayn lahaayeen fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee Somaliland ka jira iyo sidii ay xidhiidh ganacsi iyo mid iskaashiba ula samaysan lahaayeen ganacsatada Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka oo intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha ganacsiga iyo maalgashiga, ayaa wuxu kusoo dhamaaday jawi is afgarad iyo isfaham laga gaadhay dhamaan arimihii laga wada hadlay iyadoo lagu heshiiyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka wada ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale waftigu waxay kulamo la yeesheen qaar ka mida ganacsatada Somaliland sida Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mudane Jamal Caydiid iyo qaar ka mida dumarka hal abuurka ee Somaliland, halkaas oo ay kaga wada hadleen fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira Somaliland iyo sidii ay xidhiidho wada-ganacsi u yeelan lahaayeen ganacsatada Somaliland iyo Bangiyada Horumarinta Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker