“KULMIYE Waxa Uu Ku Mitidayaa Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood”. Siyaasi Cali Guray.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Gurey), Ayaa Sheegay in Xukuumadda Iyo Xisbi Xaakimkeedda KULMIYE ay doonayaan Inuu Maayiradda ku mitidda Magaalooyinka Laascaanood, Gabiley Iyo Berbera.
Mujaahid Cali Gurey, ayaa Isagoo Arimahan ka hadlaya Wuxuu uu yidhi “Todobada degmo ee Grade A waxa loo badinayaa in inta badan ay mucaaridku isku shubtaan oo ay ku guulaysan doonaan Maayaradooda iyo weliba ku xigeenadooda oo dhan. Kulmiye waxa uu doonayaa in uu ku mitido Berbera, Gebilay, iyo Laascaanood.
Taas oo markaa noqonaysa guushii labaad ee Mucaaridku ka gaadho doorashada weliba marka ay isku helaan Hargeysa oo caasimadii ah iyo Burco oo caasimadii labaad ah. In kasta oo Somaliland ay madaxbanaanida Dawladaha Hoose sharci ahaan xadidan tahay hadana lagama filayo in degmooyinka ay maayarada iyo ku xigeenadooduba ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridku ay ku wareegi doonaan xisbul xaakimka.
Taas oo keeni karta in khilaafyada golayaasha qaarkood uu si cad u muuqan karo xidhiidhka wada shaqaynta ee ka dhexeeya degmooyinka golayaashooda uu mucaaridku hogaaminayo iyo Dawladda Dhexe aanu sidii hore noqon doonin balse sharciga ayuun baa muhiim ah in loo wada hogaansamo.
Berbera in kastoo mucaaridku ay sheegayaan in ay ku gacan sareeyaan hadana waxa jira ilo wareedyo muhiim ah oo beeninaya waana isla berri hadii Alleh yidhaa waxa ay kala caddaan doontaa”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker