Daawo: Prof. Jawaari oo shaaciyey mowqifkiisa ku aadan doorasho qof iyo cod ah
jMuqdisho (OWND) – Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ahna Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.
Beesha Caalamka ayaa Khamiistii soo saartay qodobo dhawr ah oo uu ku jiro qodob odhanaya waa inay Somaliya ka dhacdaa 2020/2021 doorasho qof iyo cod ah.
Beesha Caalamka ayaa qabta in doorasho qof iyo cod ah ay Somaliya ka qabsoomi karto Sanadka soo socda, maadaama ay horey uga dhacday, sida ay ku Andacoonayaan dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxba kama jiraan ah ku sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay horey uga qabsoomeen Ciraaq iyo Afghanistan.
“Doorasho qof iyo cod ah ma dhici karto, yaan laguugu sheekeynin waxaan. Afghanistan ayay ka dhacday, Ciraaq ayaan ku sameynay, kulligood waa kalaam faaruq ah.” Ayuu yiri Proj. Jawaari.
Jawaari ayaa qaba inaad Somaliya madax ka noqoto ay ka fududahay America oo aad madax ka noqotit, waxaana hadalkiisa loo fasirtay in Mareykanka uu ka amni wanaagsan yahay Somaliya.
“Somaliya in madax aad ka noqoto iyo America in aad madax ka noqoto, America ayaa fudud in aad madax ka noqoto.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Xildhibaan Jawaari ayaa wuxuu warkan ku sheegay wareysi uu maaanta siiyay Telefishinka Dalsan ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.
Hoos ka daawo muuqaalka Jawaari