Maayirka Hargeysa ayaa Sanad Ka Dib Markii loo Codeeyaay Fariin la Wadagay Dadkii Doortay

Mayirka magalada Hageysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa markii u horaysay Mudo sanad kadib Fariin Qoraal u Soo Diray bulshadii dooratay Waxanu kaga Waramay Siday ay ugu codeeyen Qoraalka maayirka ayaa u dhignaa Sidan:-
KU: QOF’KASTA OO II CODDEEYAH.
Waan ogahay in Sanad ka soo wareegay maalintii aad ii codaysay, waxa laga yabaa in aanad dib ii arag sidaad igu codaysay, waxaan doonayaa in aad ogaato in aan kuu adeego aniga oo xasuusan codkaagii iyo balamihii aan kuu qaaday!
Waa laga yaaba in aan kaa mashquulay oo aan kaga mashquulay shaqadii aad ii dooratay. lakiin ogow kuma ilaawin! waa laga yaaba in anan baahiyahaga gaarka waxba kaa tarin, lakiin “DANTII-GUUD” ee aad ii dooratay waan wadaa anoo xasuusan waxaad iga filayso.
Adigu waajibkaagi waad gudatay maalintaat I dooratay lakiin waa aniga ka aad ka sugaysaa ana waan ogahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker