Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sida wararku ay nagu soo gaarayaan qarax gaari ayaa goordhawayd ka dhacay isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray shaqaale ka tirsan mid kamid ah wasaaradaha xukuumada federaalka sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhawaa halka uu ku qarxay gaariga.

 

Ilaa inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa kaasoo ahaa shakhsigii saarnaa gaariga qarxay walow aan la ogeyn shakhsigaasi geeriyooday in uu ahaa bartilmaameedka qaraxa.

 

Ciidamo ka tirsan kuwo Booliska Soomaaliya ayaa haatan baaritano kawada isgoyska uu ka dhacay qaraxa gaari.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada dhajiska ah ee gawaarida lagu xiro waxaana inta badan qaraxyadan lagu bartilmaameedsadaa gaadiidka ay wataan saraakiisha iyo shaqaalaha dowlada.

Oodweynenews /Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker