Madaxda Xisbiyada oo Gobolada u kala amba Baxay
Madaxda xisbiyada mucaaridka ayaa saaka u kala ambabaxay gobolada Awdal iyo Togdheer oo ay kaga qaybgalayaan xuska 18 may.
Dhinaca boorama waxaa u baxay labada murashax ee kala ah Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro, gobolka Togdheer (Burco) waxaa isna saaka u baxay gudoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.