Cidamada ilaalada Xeebaha oo Qabtay Rag dhoofinaya Harima-cad

Ciidanka ilaalada xeebaha iyo dufaaca badaha jsl ayaa gacanta ku dhigay hawl mudo qaatay iyo dabagal ay wadeen todobaadkii udanbeeyey todoba xabo hariimo-cad ah oo laga dhoofinayey xeebta xarin oo bari quman kaga beegan masaafo dhan 54 netucual mile magaalo xeebeda Berbera waxay sidoo kale ciidanku soo qabteen sadex nin oo labo kamid ah dalka Yemen udhasheen halka midna uu muwaadin ahaa watay baaburka lagu dhoofinayey harimacadkani iyo waliba doontii iyo baabuurkii siday .

Taliyaha salidhiga kowaad ee Gobolka saaxil iyo saraakiil uu wato ayaa saaka gaadhay Deegaanka Karin ka dib markii ay gacan ku dhigeen ciidankii habeenimadii xalay dabasocday ugaadhan la dhoofinayo ee sharci darrada oo ku sugnaa biyaha Deegaanka Karin iyo dhinaca barigaba .

Taliyaha guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha jsl Gen.Maxamed xuseen faarax xiirane ayaa sheegay inay sharci lala tiigsan doono dadka lagu soo qabtay ugaadhan la doonayey in Dalka laga saaro, dhanka kale waxaa uu balanqaaday inuu dalacsiin doono Ciidanka hawl-galkaasi fuliyey .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker