MAANSO QALBI SABOOL

MAANSO . QALPI SAPOOL

Keene iyo kordhiye

Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib waxa laleeyay weli odayga

Waa la sugayaa.

Haddii uu aamuska ku sii adkaysto iyana wax kalaa la sugayaa

Kordhiye. Waar saaxiib waxaan umalaynayaa crridkaan arko

Inaan ilko ka soo jeedin .

Ee bal manta afartii ma ku dhufannaa .

Maanso . qalbi sabool

Ma qotamiyo jeeraan ka dayo

Qawga oo mara,e

Qiso weeye taydani runee

Eega qodobkeeda

Dar qalbigu sabool uu yahaa

Taabtay qalinkiiye

Qarankiba xaraash-buu ku dhacay

Qaawan taladiiye

Qaribiyo intii bahala iyo

Qawlal ma xishoode

Iyo qaar xabaal geliyaybaa

Haysta qalabkiiye

.

Qabrigay ku duugeen xornimo

Qaali ku ahayde

In qasaasiliyo caydh xunbaa

Qoday godkeediiye

Qamuunyuu nin ragi meel cidla,a

Qiiro jog yahaye

Qorshuhuu ku xero geynla haa

Way uqalanyiine

Mid qushiga ku maaluu hadhaw

Qool ku soo xidhiye

.

Lagaa quusay qaar joogabaa

Qayd yar loo xidhiye

Madheeraaban qaadayn intii

Booli quuta ahae.

Qasrigeeda kii aan geyayn

Wuu ka soo qabane

Qalad kiyo xumaan taa jirtuu

Sixi qudheedaase

.

Agoontaa la wada quudhsaduu

Qaybta wacan siine

Quruxduu usoo celin dalkaa

Qayrki hoos maraye

Qabqabliyo afmiinshaar xunbuu

Tiirka qabadsiine

Malaayiin qurbaha loo dirsaday

Gudaha qaar yaala

Iyo dhulkaa la wada qaytaybuu

Qunu xalaalayne

.

Qasabbuu ku soo wada xerayn

Uu qasnada geyne

Qurjuf qaarjufkaa meel kastaba

Soo qaloon biyaya

Qirin qiirku wuu kaa dhammaan

QAADIRKAA .tiriye

Mid qasaare aan kula jeclayn

Qaxarna kuu beerin

Qaraamaadna kugu doonanoo

Qaba xishood kiisa

Dekedaada aan qolo ku siin

Qirish yaroo kooban

Oo qalaylka ugu xiirin baa

Qoorta soo tubane

.

ALLAHAYAW ) ku waan qolo ku iman

Daacad loo qirayo

Qarbad madhan la hoos roorino

Qabana iimaanka

Quduucoo dhan naga soo xidhxidha

Noo qormee adigu

 

Guuleed liibaan    snm1710@liovecom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker