Ururka Taaliban oo ciqaabi doona ragga xaasaskoodu aaney xijaabneyn

Saraakiisha Taliban ee dalka Afghanistaan ayaa haweenka ku amray in xidhaan xijaab isla markaana ay dhamaan daboolaan wajigooda.

In haweenku wajiga oo dhan daboolaan waa arrin jirtay xilligii dowladdii Taalibanku meesha ka saareen,balse ururka Taliban amarkaan horey kama aysan soo rogin markii ay awoodda la wareegeen.

Taliban ayaa warkaan ka soo baxay ku tilmaantay talo soo jeedin hase-yeeshee ragga aan xaasaskooda u xiran xijaab oo wajigeeda aanu daboolnayn ayaa la kulmi doona ciqaab,inkasta oo aan faah-faahin intaas dheer laga bixin nooca ciqaab ee ay raggu la kulmi karaan.

Ragga ayaa lagu booriyay in haweenkoodu ay u xiraan dhar ku haboon dumarka xaasaskooda ah.Tan iyo markii Taliban awoodda dalka Afghanistaan la wareegeen waxaa jiray haween dhigayay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan xijaabka.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah haweenkaas in dumarku wajiga dabooshaan waa dhaqan loo soo minguuriyay Afghanistaan oo iyagu aysan markii hore lahayn.

Jaamacadaha Afqaanistaan ​​waxaa lagu kala sooci doonaa ragga iyo dumarka, waxaana la soo bandhigi doonaa xeerka labiska cusub ee Islaamka, ayay Taalibaan sheegtay.

Wasiirka Tacliinta Sare Cabdul Baqi Haqqani ayaa tilmaamay in haweenka loo oggolaan doono inay wax bartaan, balse aan la barbar dhigi doonin ragga.Waxa kale oo uu ku dhawaaqay in dib -u -eegis lagu sameeyo maaddooyinka la baro.

Dumarka iyo gabdhaha ayaa laga mamnuucay iskuulada iyo jaamacadaha hoos yimaada Talibaan intii u dhaxaysay 1996 ilaa 2001.

Taalibaan ayaa sheegtay inaysan ka hor istaagi doonin haweenka inay wax bartaan ama ay helaan shaqooyin. Laakiin tan iyo markii ay xukunka la wareegeen 15-kii Ogoosto, waxay ka codsadeen dhammaan haweenka, marka laga reebo kuwa ku jira waaxda caafimaadka dadweynaha, inay ka fogaadaan shaqada, ilaa xaaladda ammaanka soo hagaagto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker