Dibad-baxyada ardayda jaamacadaha Mareykanka oo xadka dhaafay iyo waxa ay diiddanyihiin

Dibad-baxayaal taageersan Falastiin oo ku sugnaa xero ku taal xarunta UCLA ee California ayaa booliisku u sheegay inay kala dareeraan ama ay wajihi doonaan xarig.

Banaanka xerada, ayaa waxaa isa soo taraya arday badan oo isu soo baxeysa, si ay u muujiyaan taageeradooda, iyadoo ay sii socdaan banaanbaxyada looga soo horjeedo dagaalka Qasa ee Jaamacadaha ku yaala dalka Mareykanka.

Goor sii horreysay, barasaabka California, Gavin Newsom, ayaa ku eedeeyay booliiska inay aad uga gaabiyeen inay ka jawaabaan kadib markii mudaaharaadayaasha ay weerareen xerada habeenkii Talaadada.

Jaamacadda Texas ee Dallas, booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa jabiyay xero tan la mid ah, iyagoo ku eedeeyay dibadbaxayaasha inay ku xad-gudbeen sharciga.

Ardayda wax ka barata jaamacadda Colombia ee magaalada New York, oo ay booliisku weerareen Talaadadii, ayaa BBC-da u sheegay in kooxdoodii ay kala dhantaalmeen kadib markii boqollaal mudaaharaadayaal ah oo dhisme qabsaday la xiray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker